Dhageyso+Akhri: Amiirka Al Shabaab Oo Munaasabadda Ciidda Awgeed Jeediyay Kalimad Muhiim Ah.

Friday September 01, 2017 - 21:14:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9385
  • (Rating 3.2/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso+Akhri: Amiirka Al Shabaab Oo Munaasabadda Ciidda Awgeed Jeediyay Kalimad Muhiim Ah.

    Mu'assasada Al-Kataib ayaa baahisay kalimad muhiim ah oo uu jeediyay Amiiirka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubaydah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'assasada Al-Kataib ayaa baahisay kalimad muhiim ah oo uu jeediyay Amiiirka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubaydah.


Kalimada Sheekh Abu Cubayda oo ku baxaysa luqadda Soomaaliga, laguna turjumay Luqadaha English-ka iyo Sawaaxiliga ayuu uga hadlay marxaladda uu dalku marayo, iyadoo xambaarsan farriimo muhiim ah.

Ugu horrayn wuxuu soo hadal qaadka halka uu salka ku haayo duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya iyo xasuuqii ciidanka Mareykanka ay dhawaan ka geysteen deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.



Nuxurka Kalimadda Hoos Ka Akhri.


Kalimaddan oo cinwaankeedu yahay  « وعد الله لا يخلف الله وعده » lana dhageysan karo 27 daqiiqo ayaa Sheykh Axmad Cumar Abuu Cubeydah wuxuu kaga hadlayaa marxaladda uu dalku marayo iyo dagaalka ballaaran ee Mareykanka iyo Ciidamada Midowga Afrika ay kusoo qaadeen soomaaliya  iyo sidoo kale duullaanka 10 sano jirsaday ee AMISOM.

Kalimadan oo ku baxeysa luuqadaha English-ka, Sawaaxiliga iyo Soomaaliga ayaa ugu horeyn wuxuu sheekhu dadka Muslimiinta guud ahaan si gaar ah 'Mujaahidiinta' ugu hambalyeynayaa munaasabadda ciidda, ka dibna wuxuu u si qotodheer kaga hadlayaa duullaanka shisheeye ee lagu soo qaaday dalka iyo waxa AMISOM ka dhaxleen dagaalka 10 sano jirsaday ee ka socda dalka.

"Faragelinta uu Mareykanku ku hayo Soomaaliya waxay gaartay heerkii ugu sareysay abid taariikhda Somalia taas oo halis ku ah jiritaanka Umaddan iyo madaxbanaanideeda” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeydah. Wuxuu tilmaamay "In Mareykanka uu saldhigyo ka sameystay wadanka, uuna soo dhisay ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo uu isaga si toos ah u maamulo iyo maamulo dabadhilifyo ah oo siyaasadoodu ku dhisan tahay marin habaabinta bulshada, boobka kheyraaka iyo dhagrida umadda Muslimka ah si ay Umadda ugu hogaamiyaan dhabbe mugdi ah oo ugu dambeyn dhaxalsiin doona diin la’aan, damiir xumo faqri, Jahli, qabyaalad, kala qoqobnaan iyo hurinta dagaal xuduudeed aan dhamaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Waxaa intaas barbar socda isku day uu ku doonayo Mareykanka iyo huwanta saliibyiinta ah in uu ku kala jabiyo safka Mujaahidiinta si umada looga leexiyo dhabaha toosan ee ay ku taagan tahay meeshana looga saaro awoodda ciidan ee caqabada ku ah fulinta qorshahooda”.

AMISOM Maxay Ka Dhaxashay Duullaanka 10 Sano Jirsaday?.

Mar uu soo hadal qaaday Duulaanka Ciidamada AMISOM ee galay sanadkii 10aad ayuu yiri: "Waxaa inoo Muuqanaya Allaah fadligiisa in ay ahdaaftii loo soo igmaday ee ahaa burburinta ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo ciribtirka Jihaadka iyo Mujaahidiinta ay ku hungoobeen una suurtagali weysay”.

"Duullaanku wuxuu dhaxalsiiyey hoog iyo halaag joogta ah, wuxuuna soo ifbixiyey kala duwanaanta ahdaaftooda siyaasadeed iyo damacooda gumeysi dhanka kalena wuxuu Allaah tacabkoodii ka dhigay mid Khasaaray, Maamuladii ridada ahaa oo fashilmay iyo musuq maasuq baaxadweyn oo hareeyey waaxyada dowlad ku sheega Soomaaliyeed”.

"Duullaanka wuxuu dhanka kale Muujiyey tabardarida ciidankooda iyo aragti xumada hogaankooda siyaasadeed, waxaa dhamaan burburay heybadii ay sheeganayeen kuna faanayeen, waxaa hareeraha wadooyinka daadsan haraadigii gawaarida gaashaamanaa oo ay miinadu gaashaan tirtay, waxaa intaa dheer muuqaalada baqtiga ciidankooda, burburka gaadiidkooda, baroorta maxaabiistooda iyo eheladii ay ka dhasheen iyo weliba beenta madaxdooda ee buux-dhaafshay shabakadaha Internetka iyo waxa ay ugu yeeraan baraha bulshada”.

"Duullaanku wuxuu dhaxalsiiyey dhiigbax isugu jira naf iyo dhaqaale intaba xilli ay qarka u saaran yihiin in ay dalka isaga cararaan.Duullaanku wuxuu dhaxalsiiyey in jidadka lagu ugaarsado, saldhigyadoodana lagu daato, hubkoodii iyo agabkoodiina laga laga faramaroojiyo, Waxaana Allaah mahadiis ah in maanta ay marayaan ciidamadaan taagta daran ee xerooyinka ku oodan xaalad aad u liidata oo gaartay heer ay awoodi la’yihiin in ay gudbistaan raashiinka iyo biyaha.Duulaanku wuxuu dhaxalsiiyey haziimo nafsi ah halkii ugu sareysay taas oo hareysay quluubtooda hurdana u diiday, hankoodiina hal bacaad lagu lisay ka dhigtay.

Muslimiintu Maxay Ka Faa’ideen Duullaanka?.

Mar uu ka hadlay waxa dadka Muslimiinta iyo Mujaahidiintu ay faa’ideen duulaankaas ayuu yiri: "Umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed waxay 10-kaas sano ee Jihaadka lagula jiray saliibiyiinta AMISOM ka dheefeen in ay heleen awood ciidan oo mideysan una taagan difaaca diinta Allah, u hiilinta Mustadcafiinta iyo jihaadka gaalada taas oo u aarguday eheladii dadkoodu ay gaaladu leysay, shaafisay quluubta Umadda Muslimka ah, beertay kalsooni xeeldheer oo Umaddu ay u heyso Mujaahidiinta, hiil iyo hoona marwalba la garab taagan yihiin”.

"Waxaa kobcay garaadkii Umadda iyo baraarugii bulshada, waxaa qofkasta oo Muslim ah u muuqday cadaawada gaalada, waxaana daliil ugu filnaaday sida ay wadooyinka Muqdisho gawaarida ugu jiirsiiyaan Muslimiinta iyo duqeymaha arxan darada ah ee lala beegsanayo Umaddeena Muslimka ah. Tusaale waxaa inoogu filan duqeyntii Mareykanka uu ka geystaytuulla yar oo Jilib u jirta dhowr iyo toban KM, duqeyntaas oo ay ku laayeen qoys ka kooban 7 ruux, Allaah waxaan ugu baryeynaa in uu u naxariisto, Janadii firdowsana ka waraabiyo, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo eheladooda”.

"Waxaa Umadda u cadaatay xaqiiqada uu salka ku hayo duullaanka saliibiga ah, waxayna fahmeen in wadada kaliya ee cizigii lumay iyo sharaftii Umaddan lagu soo celin karo uu yahay Jihaadka wadada Alle”.

"Waxaa la helay dhul aad u baaxad weyn oo ka madaxbanaan heymanada saliibiga ah, aas-aasna u ah daarta Islaamka, Jihaadkuna wuxuu ku faafay dhul horleh xilli ay gaalada tabartoodii sii wiiqmeyso, waxaa Allaah mahadiis ah in 10-kaas sano Wilaayaatka Islaamku taagnaayeen, lana jaanqaadayeen duruuf kasta oo soo wajahda, welina ay taagan yihiin Allaah fadligii. Sharciga Allaah ayaa lagu maamulaa gobolo iyo deegaano kala duwan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya”.

"Wilaayaatka Islaamiga waxay Allaah fadligii xaqiijiyeen cadliga Islaamka, waxay sugeen Amaanka iyo nabadgalyada, waxay damiyeen colaadihii cadaawuhu dhexdhigay beelaha walaalaha ah, waxaa la helay garsoor hufan ooay Umadda kalsooni adag u heyso, dal iyo dibadna looga yimid, cadowgana uu qiray”.

Caga Jugleynta Lagu Hayo Ganacsatada Muqdisho.

"Tobankaas sano ee ay saliibiyiintu dalka joogeen waxay wadankakaga sugnaayeen deegaano kala duwan oo ay ugu weyntahay caasimada Muqdisho, Muqdisho waxay la noolaatay dulmi iyo darxumo midka ugu xun. Waxaa reer Muqdisho loo gacan geliyey shirkado shisheeye kuwaasoo la wareegay amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu maanta xaalku marayaa in maamulka ridada uu u soo jeestay sidii uu ganacsatada reer Muqdisho ugala wareegi lahaa hantidooda ma guurtada ah iyagoo marmarsiiyo uga dhiganaya tagitaanka ganacsatadu ay tagaan deegaanada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin goobaha ay Mujaahidiintu ka taliyaan. Bal u fiirsada dabadhilifnimada gaamurtay ee murtadiintu heerka ay gaartay iyo taagdarida siyaasadeed iyo tan maamul ee ay naftu baday.
Nimanka sidaas yeelaya waa niman heysta aqoonsiyo shisheeye oo aan damiir iyo dan midna ka lahayn mustaqbalka Umadda iyo hantidooda”.

Xasuuqii Mareykanka Uu Ka Geystay Bariire.

Mar uu soo hadal qaaday Xasuuqii Mareykanku ka geystay tuulada Bariire ee duleedka Muqdisho ayuu yiri: "Waxaan rabaa in aan halkaan tacsi iyo sabarsiin uga diro eheladii iyo qoysaskii ay ka tageen dadkii Mareykanka iyo Murtadiintu ay ku xasuuqeen bishan aan ku jirno ee dulxijjah deegaanka Bariire. Xasuuqaan loo bareeray waxaa lagu dilay 10 ka mid ah dadyowga Muslimiinta oo deegaanka aad looga yaqaan. Waxaa ka mid ahaa dadka la laayey caruur iyo ganacsato beeraley ah kuwaas oo ku sugnaa beerahooda xilliga Mareykanku ay laaynayeen”.

"Waxaa isdul taag inaga mudan xaaladda ay dadkani ku sugnaayeen inta uusan Mareykanku qabsan Bariire.Dadkaas waxay la noolaayeen eheladooda, waxay heysteen Ammaan iyo nabad, waxay si xuriyad ah ugu ganacsanayeen gudaha Wilaayaatka Islaamiga iyagoon cabsi ka qabin in lagu xadgudbo naftooda maalkooda iyo cirdigooda.Duullaankii Mareykanku horkacayey ee lagu qabsaday Bariire wuxuu horseeday in deegaanadaas laga barakaco, intii hartayna la xasuuqo, beerahooda iyo guryahoodana la gubo waxay dhacdadaas iyo dhacdooyinka la mid ah ee ka dhacay Soomaaliya marqaati u yihiin cadaawada gaaladu u heysoUmaddan iyo dullinimada ay la damacsan yihiin.

Siyaasadda Cusub Ee Donald Trump

Mar uu soo hadalqaaday Xeerar Amni ee cusub ee dhawaan uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ka dhanka ah Muslimiinta ayuu yiri: "Duqeymaha Mareykanku la beegsado goobaha rayadka ayaa ah kuwa aanan ku cusbeyn dunida Muslimka ah, waana duqeymo ula kac ah oo uu caadeystay inta la ogyahay taariikhda. Duqeymahan arxan darada ah ee saliibiyada Mareykanka ku hayaan Umadeena ayaan ahayn kuwo intaan ku ekaan doona.Waxaana la wada ogsoon yahay go’aanadii foosha xumaa iyo xeerarkii Amni ee Trump saxiixay markuu xilka la wareegay.Xeerarkaas oo laamaha Military iyo sirdoonka Mareykanka u ogolaanaya in ay gumaadaan Umaddeena, Duqeeyaan deegaanadeena. Siyaasadan cusub ee Mareykanku qaatay ayaa u aqoonsaneysa Soomaaliya in ay tahay goob dagaal, hadaf ka reeban beegsigoodana uusan jirin gaar ahaan haddii dadka la beegsanayo ay yihiin Muslimiin”.

"Reer Muqdisho waa in ay ogaadaan Mareykanku in uu ku jiro aargoosi salka ku hayo jabkii ka gaaray Soomaaliya, Wuxuuna u hamuun qabaa xasuuqa Umaddan, waxaana deeqi waayey kumanaankii ay diyaaradihiisu ku laayeen xaafadaha Muqdisho.Reer Muqdisho waxaan leenahay waan idiinla dareemeynaa culeyska la idinku hayo, waxa loo dan leeyahayna waa in la idiin gumeeyo ee gunta dhiisha isaga dhiga, Allaah gargaar weydiista, Wiilashiina Mujaahidiinta ah wey idiin garab taagan yihiin ee gacan siiya si aan gumeysiga gaalada isaga dulqaadno”

Muhaajiriinta Ku Sugan Bariga Africa.

Mar uu la hadlayey Muhaajiriinta ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayuu sidoo kale yiri: "Waxaan halkaan fariin gaar ah uga dirayaa Muhaajiriinta ku sugan bariga Africa ee la sabraya cadowga, dhaxanta iyo dhibaatadana u dulqaadanaya, duruufaha amniga iyo duqeymaha cadowgana aysan dacfi ku keenin. Waxaan leeyahay: jazaakumullaahu Kheyral Jazaa, Waxaan Allaah weydiisanayaa in uu idiinka aqbalo Jihaadkiina iyo hijradiina, uuna noo dambi dhaafo anaga iyo idinka, nagana aqbalo camalkeena”.

"Waxaad ogaataan Jihaadka maanta Soomaaliya ka socda ma ahan mid Soomaalida kaliya u gaar ah balse waa Jihaad Umadda Islaamka oo dhan ka dhexeeya lagana rabo in ay ka qeybqaataan, naf iyo maalna ku bixiyaan, Soomaaliyana waa qalcad ay leeyihiin Muslimiinta oo idil, hooy iyo gabaadna u ah qofkastoo Muslim ah oo diintiisa la soo cararay, rabana in uu shareecada Islaamka ku hoos noolaado”.

"Waxaa idiinla gudboon in aydaan ka leexan wadada ciziga iyo sharafta ee uu Allaah idiin waafajiyey, guryihiinana aydaan ku laaban, nicmadii uu Allaah idiin siiyeyna aydaan ku kufrin. Allaah wuxuu idiin doortay in aad noqotaan kuwii diintiisa u gargaarayey, cadowgiisana la jihaadayey, waxay mas’uuliyad idinka saaran tahay in aad bariga afrika gaarsiisaan shuclada jihaadka iyadoo saafi ah oo ka madaxbanaan Fiqhiga Irjaaga iyo Guluwiga iyo siyaasadda isdhiibitaanka iyo tanaazulka”.

Fariin Ku Wajahan Mujaahidiinta:

Mar uu la hadlayey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayuu yiri: "Waxaad maanta kor u sidaan waa Raayadii Nabigeena, waxaana rajeynayaa in aad ku taagan tihiin wadadiisii iyo hadyigiisii, waxaad u halgameysaana waa koryeelidda risaaladiisii, waxaad la dagaalameysaan waa cadowgiisii ee ha dhayalsanina muhiimada aad xaqiijineysaan. Arimaha Umadda dhaawaca ah markasta qalbiga ku hayya, waxaadna ogaataan in aad tihiin jeyshkii u gurman lahaa muslimiinta Filistiin, waxaad sidoo kale gurmad iyo garab u tihiin walaalahiin Mujaahidiinta ah ee daafaha aduunka ka dagaalamaya”.

"Waxaan nafteyda iyo tiinaba kula dardaarmayaa joogteynta taqwada Allaah, Zaadna aad ka dhigataan.Mujaahid kasta waxaa laga rabaa kaalintii loo igmaday in uu si hufan uga soo baxo, Thaqrigii lagu aadiyeyna uu Islaamka ka xigsado, Xagiisana aanan Muslimiinta looga imaan.Ogaada yabooha Allaah laguma helo dacfi iyo wahan, riyo iyo damac, fudeyd iyo dhalanteed. Waxaa lagu helaa oo kaliya waa in cabsida Allaah quluubteenu ku weynaato, Wuxuu ina farayna aan la nimaadno, wuxuu inaga reebayna aanu ka fogaano. Yabooha Allaah waxaa lagu helaa dhufeysyada oo la joogteeyo, waxaa lagu helaa sabar iyo nafhur.waa nafteena oo aan ku xambaarno goobaha nafhurka iyo istish-haadka”.

Halkan ka degso Kalimadda MP3

Hu Daawo facebook si toos ah

Related Items