Sawirro: Al Shabaab Oo Dabaal degga Ciidda u Adeegsatay Diyaarado Drone Ah.

Friday September 01, 2017 - 12:24:31 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab Oo Dabaal degga Ciidda u Adeegsatay Diyaarado Drone Ah.

    Waa qeyb kale oo kamid ah Dabaal degga munaasabadda Barakeysan Ee Ciidul adxaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa qeyb kale oo kamid ah Dabaal degga munaasabadda Barakeysan Ee Ciidul adxaa.



Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa maanta si heer sare ah oo aan horay loo arag looga dabaal degay munaasabada Ciidul adxaa.

Kumanaan kamid ah shacabka magaalada ayaa isugusoo baxay waddooyinka magaalada, carruur iyo ciroole ayaa isdhax mushaaxayay waxayna aheyd munaasabad aad u farxad badan.

Fagaaraha weyn ee Macalim Aadan Xaashi Ceyroow waxaa salaadda ciidda ku tukaday kumanaan shacab ah, markii ugu horraysay waxaa dabaal deggii maanta ka qeyb qaadanaysay diyaarado nuuca wax basaasa ah oo dusha sare ka duubaysay dabaal degga ay sameynayeen shacabka.



Diyaaradaha oo ah Drone-ka  ayaa muuqaallo ka qaadeysay magaalada, diyaaradaha ayaa muddo saacada ah dul haadayay magaalada Jilib, idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in diyaaradan ay leeyihiin 'Mujaahidiinta'.

Waa Markii ugu horraysay oo xarakada Al Shabaab ay soo bandhigto diyaarado aan duuliye laheyn balse deegaanada xarakadu maamusho ayaa lagu arki jiray diyaaradaha Basaaska Mareykanka oo Hawada meeraysanaya.

Hoos Ka Daawo Sawirrada dabaal degga Ciidda Jilib.












































Related Items