Todobo Qof Oo Ku Dhintay Dab ka Kacay iskuul Kuyaal Magaalada Nairobi.

Saturday September 02, 2017 - 11:22:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Todobo Qof Oo Ku Dhintay Dab ka Kacay iskuul Kuyaal Magaalada Nairobi.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dab ka kacay Mid Ka mid Ah iskuullada ugu Caansan Kenya Oo Dab Xooggan uu Ka Kacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dab ka kacay Mid Ka mid Ah iskuullada ugu Caansan Kenya Oo Dab Xooggan uu Ka Kacay.


Subaxnimadii hore ee saaka ayuu dab Xoogani qabsaday iskuul ay dhigtaan gabdhaha oo lagu magacaabo "Moi".

inta la xaqiijiyay 7 gabdhood oo arday ahaa ayaa ku dhintay dabka  halka 10 kalena isbitaalka  la dhigay sida uu warbaahinta u xaqiijiyey wasiirka waxbarashada Kenya.


Dab damisyada iyo gadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta gaaray si ay u damiyaan dabka oo qabsaday qeyb weyn oo kamid ah iskuulka gabdhaha Moi.

lama oga sababta rasmiga ah ee dabka ka dambeysay laakin police-ka Kenya ayaa wada baaritaano lagu ogaanayo waxa dabkan khasaaraha dhaliyay keenay.

Dadka isbitaalka Mbagati la dhigay ayuu qaarkood xaalkoodu aad uliitaa, waxaana ka bilaawday cisbitalka aqbalaadda dhiig deeq ah oo laga shubaayo dadka kenyanka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items