Odayaal Dhaqameedyo la Shaqeynayay Maamulka Axmed Madoobe Oo Lagu Dilay Degmada Ceelwaaq.

Saturday September 02, 2017 - 15:34:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaal Dhaqameedyo la Shaqeynayay Maamulka Axmed Madoobe Oo Lagu Dilay Degmada Ceelwaaq.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay deegaan xuduud beenaadka kulaala lagu dilay odayaal dhaqameedyo caan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay deegaan xuduud beenaadka kulaala lagu dilay odayaal dhaqameedyo caan ah.

Xalay saqdii dhexe ayay xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab waxay u dhaceen guri kuyaal degmada Ceel-Waaq oo ay deganaayeen odayaal dhaqameed xiriir wanaagsan lalahaa maamulka Jubbaland isku magacaabay ee kajira magaalada Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Meydadka Odayaal dhaqameedyada kala ah Cabdi Raxmaan Faanto iyo Aadan Qalinlle laga helay gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Odayaashan ladilay ayaa qeyb ka ahaa odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee lagasoo xulay deegaanada uu kataliyo maamulka Jubbaland isku magacaabay.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka odayaashan sida ay baahisay idaacadda islaamiga ee Afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items