Faah Faahin: Al Shabaab Oo Weeraro Dhiig Ku Daatay Ka Fulisay Sedax Gobol Oo Katirsan Wadanka Kenya.

Saturday September 02, 2017 - 20:04:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab Oo Weeraro Dhiig Ku Daatay Ka Fulisay Sedax Gobol Oo Katirsan Wadanka Kenya.

    Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa silsilado weeraro ah ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolada Lamu, Garissa iyo Tana River kuwaas oo lagu dilay ciidamo iyo dad Kirishtaan Kenyaan ah sidoo kalena lagu burburiyey qaar ka mid ah gaadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa silsilado weeraro ah ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolada Lamu, Garissa iyo Tana River kuwaas oo lagu dilay ciidamo iyo dad Kirishtaan Kenyaan ah sidoo kalena lagu burburiyey qaar ka mid ah gaadiidka iyo hantida dadka Kenyaantiga ah.



Mid ka mid ah weeraradan ayaa lagu qaaday deegaan lagu magacaabo Gamba oo ka tirsan gobolka Tana River halkaas oo ay xoog ku galeen ciidamada Al Shabaab.

War kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa mid xooggan "Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyey in Mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka kadib markii cadowga isaga kala firxaday halkaasiā€¯ ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.



Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay burburiyeen Anteenka shirkadda isgaarsiinta ee deegaanka iyo qadka Korontada ee isku xira gobolada Lamu iyo Tana River.

Weerarka kale oo ahaa mid Dhabagal ah ayaa sidoo kale ka dhacay wadada isku xirta Bodhai iyo Ijara oo dhaca xadka kala qeybiya gobollada Garissa iyo Lamu.

Weerarkan oo lagu bartilmaameedsaday gaari Koyal ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 3 saddex askari oo ka tirsan ciidamada military-ga Kenya, iyadoona gabi ahaanba la gubay gaarigii ay wateen.

Saraakiisha Al Shabaab waxay sheegeen in isla wadadaas ay ciidamadoodu dhigteen Jidgooyo islamarkaana ay wadada ku qabteen qof muwaadin Kenyaan ah oo saarnaa mooto, islamarkaana halkaas lagu khaarijiyey.

Ilo wareedyo kale waxay sheegayaan in xoogaga Al Shabaab ay istaajiyeen gaari uu watay qof Muslim ah oo markii dambe la fasaxay markii la xaqiijiyey in uu Muslim yahay.

Weerarada qorsheysan ee ka dhanka ah dowladda Kenya ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey kusoo kordhayey gobollada Lamu iyo NFD iyadoona inta badan weeraradaas lagu beegsado ciidamada Police-ka iyo dadka Kirishtaanka ah ee xoogga ku daggan deegaanadaas.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items