Sawir:North Korea Oo Ku Dhawaaqday in Ay Tijaabisay Hub Niyugleer Ah.

Sunday September 03, 2017 - 11:31:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawir:North Korea Oo Ku Dhawaaqday in Ay Tijaabisay Hub Niyugleer Ah.

    Dowladda shuuciyadda waqooyiga Kuuriya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale tijaabisay hub niyugleer ah oo wax baabi'iya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda shuuciyadda waqooyiga Kuuriya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale tijaabisay hub niyugleer ah oo wax baabi'iya.

Wararka ka imaanaya gacanka kuuriya ayaa sheegaya in dhul gariir xooggan uu ruxay mandiqadda kadib markii waqooyiga Kuuriya ay ku dhaqaaqday tijaabada hun Niyugleer ah.

Dowladaha Japan iyo Koonfur Kuuriya oo daris la ah waqooyiga Kuuriya ayaa xaqiijiyay in dhul gariir cabirkiisu yahay 5.6 uu ku dhuftay gudaha W.Kuuriya wuxuuna dhul gariirkaasi ka dhashay tijaabada Bambaano Heydroojiin ah.

كوريا

Wakaaladda Wararka KCNA ee rasmiga ah ayaa faafisay sawirka Kim Jong-un oo booqasho indha indheyn ah ku sameynaya warshadda Hubka Niyugleerka farsameysa wuxuuna xilligaas dul taagnaa Bambaano Niyugleer lagu sheegay.

Waqooyiga Kuuriya waxay ku faantay in ay tijaabisay awoodeeda Niyugleerka, dhinaca kale Kooriyada Koonfureed iyo Japna ayaa xaalad heegan ah ku dhawaaqay waxayna Q.Midoobe ugu baaqeen fadhi degdeg ah oo ku saabsan xaaladda mandiqadda kusoo korortay.

Khabiir ku sugan magaalada Tokyo ee wadanka Japan ayaa sheegay in tijaabadan Niyugleerka ah ay ka dhacay meel 320KM dhanka Bari uga beegan magaalada caasimadda ah ee Pyongyang.

Dowladda Shiinaha oo xaliif la ah Waqooyiga Kuuriya ayaa iyana xaqiijisay in Tijaabo hub Niyugleer ah ay ka dhacay Kuuriyada waqooyi, tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii Mareykanka iyo wadamada Yurub ay xayiraado dheeri ah kusoo rogeen Pyongyang.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items