Faah Faahin + Khariido: Dhimashada Ka Dhalatay Dagaalkii Buula Gaduud Oo 26 Kor u dhaaftay.

Sunday September 03, 2017 - 11:57:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin + Khariido: Dhimashada Ka Dhalatay Dagaalkii Buula Gaduud Oo 26 Kor u dhaaftay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaan kaabiga ku haaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa deegaanka Buula Guduud ee lagu dagaallamay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaan kaabiga ku haaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ku bilaawday qarax ka dhashay  gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxeynayay dagaalyahan Naftiis hure ah wuxuu sababay khasaara lixaad leh oo gaaray ciidamada Maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dhimashadu ka badan tahay 26 askari islamarkaana khasaaruhu sii badan karo sababa la xiririira qaraxyo kolonyo gurmad ah lagula beegsaday deegaannada Qaamqaam iyo Yoontooy.

Ilo wareedyo waxay xaqiijinayaan in laba gaari lagu gubay laba qarax oo ka dhacay wadada xiriirisa deegaanada Buula Guduud iyo Yoontooy, weerarkan ay ciidamada Al Shabaab ku qaadeen saldhigga melleteri ee duleedka Kismaayo wuxuu imaanaya xilli diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka aysan hawada faaruqin oo dagaallada ay marmarka qaar si toos ah uga qeyb qaataan.


Xoogaga Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka waxayna qabsadeen sedax gaari Tikinika ah sidoo kale waxay rarteen saanado melleteri oo ku xaraysnaa Bakhaaro kuyaal Buula Guduud sida ay sheegeen dad goob joogayal ah.

Sawirka dushiisa Guji si uu uweynaado 


Related Items