Weerar Ciidamo Boolis Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Mombaasa Ee Wadanka Kenya.

Monday September 04, 2017 - 12:02:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Ciidamo Boolis Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Mombaasa Ee Wadanka Kenya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo lagu qaaday magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Kenya ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo lagu qaaday magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Kenya ee dhaca Bariga qaaradda Afrika.

Wararka ka imaanaya magaalada Mombaasa ee gobolka Xeebaha wadanka Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan laba askari oo katirsan ciidamada Booliska ladilay kuwa kalane la dhaawacay kadib markii Rag hubeysan ay weerareen goob ay ku cibaadeystaan dadka Kirishtanka ah oo ay ilaala ka hayeen.

Weerarka oo ka dhacay degmada Ukunda waxaa geystay xoogag bastoolado ku hubeysan oo watay mootooyin dhug dhugleey ah, dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in ragga toogashada geystay ay horay usii qaateen 2 qori AK47 ah oo ay wateen ciidamada booliska ee ladilay.


Col. Larry Kiyeng oo ah taliyaha Booliska Magaalada Mombaasa ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaanno ay kusoo qabanayaan xoogagii weerarka geystay sida uu hadalka u dhigay, warbaahinta Kenya waxay sheegtay in weerarkan ay mas’uul ka tahay xarakada Al Shabaab oo gudaha Soomaaliya kula dagaallamaysa kumanaan Askar Kenyaan ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items