Sh.Abuu Muscab "Dhimashada Ka Dhalatay Dagaalkii Buula Gaduud 35 Ayay Gaartay" Dhageyso.

Monday September 04, 2017 - 21:18:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh.Abuu Muscab "Dhimashada Ka Dhalatay Dagaalkii Buula Gaduud 35 Ayay Gaartay" Dhageyso.

    Taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Buula Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay deegaanka Buula Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo gobolka Jubbada Hoose.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Xarakada SHM ayaa wareysi uu siiyay idaacada Andalus ku sheegay in dhimashada ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ ay gaartay 35 askari kadib markii ay dhaawacyo u dhinteen ciidamo ku dhaawacmay dagaalka.

Wuxuu sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay ghaniimeysteen 2 gaari Tikinika ah islamarkaana ay gubeen 3 kale, Sheekh Abuu Muscab ayaa shanqariyay in 30 qori ay ka furteen ciidamada maamulka Axmed Madoobe ee lagu laayay deegaanka Buula Guduud.


Dhinaca kale Abuu Muscab ayaa shirkiisa Jaraa’id kusoo hadal qaaday qarax maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Abuu Muscab MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items