Cabdi ileey Oo Xaqiijiyay in Madaxda DF-ka Soomaaliya Ay Qalbi Dhagax Ugacan Geliyeen Dowladda itoobiya!.

Tuesday September 05, 2017 - 11:50:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi ileey Oo Xaqiijiyay in Madaxda DF-ka Soomaaliya Ay Qalbi Dhagax Ugacan Geliyeen Dowladda itoobiya!.

    Hoggaamiyaha dabadhilifka ee dowladda Itoobiya uga wakiilka ah dhulka gumeysiga kujira ee Somaligalbeed ayaa markii ugu horraysay ka hadlay gacan gelintii dowlada Itoobiya loo gacan geliyay sarkaal sare oo katirsan Ururka ONLF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi ileey ayaa madax u ah maamul dabaqoodhi ah.
Hoggaamiyaha dabadhilifka ee dowladda Itoobiya uga wakiilka ah dhulka gumeysiga kujira ee Somaligalbeed ayaa markii ugu horraysay ka hadlay gacan gelintii dowlada Itoobiya loo gacan geliyay sarkaal sare oo katirsan Ururka ONLF.

Cabdi Muxumed oo Cabdi ileey loo yaqaan ayaa sheegay in dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ay sirdoonka Itoobiya ugacan gelisay nin uu ugu yeeray dambiile oo uu ula Jeedo Qalbi dhagax.


isagoo wareysi siinayay Telefeshin kuyaal magaalada Jigjiga ee dhulka Somaligalbeed ayuu ku sheegay in tallaabada lagu gacan geliyay Qalbi dhagax ay aheyd mid qeyb ka ah heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo dhaxmaray R/wasaarayaasha Itoobiya iyo dowladda Federaalka.



"Dowladda hada jirta ee Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, shalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayay ka codsadeen in loo sii daayo 114 dhalinyaro oo halkan dambi ka galay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu amar ku bixiyay in farta laga saaro, markii la sii daayay waa lagu amaanayay, markaas waxaa laga jawaabayay xiriirkii labada dowladood ee horay u loo saxiixay ee Wasiir Mahad saxiixay, Madaxweyne C/kariin saxiixay, heshiisyaas ayay ahaayeen waxa laga jawaabayo, laakiin in la yiraahdo nin 1977 ku dhaawacmay daw ma ahan” ayuu yiri Cabdi ileey.


Hoggaamiyaha dabadhilifka maamulka dhulka Somaligalbeed ayaa ku andacooday in halgamaa Qalbi dhagax uu ahaa dambiile dhibaata ku haayay dadka deegaanka, isagoo iska indha tirayay xasuuqa ay maleehiyaadka Liyuu booliska ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee gumeysiga kujira.

Warka kasoo yeeray Cabdi Ileey ayaa imaanaya xilli Wasiirka isgaarsiinta Itoobiya uu Jimcihii lasoo dhaafay sheegay in madaxda DF-ka ay Addis Ababa usoo gacan geliyeen Sarkaal sare oo katirsan DF-ka.


Farmaajo ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya kaasi oo dowladda Itoobiya ugacan geliya muwaadin Soomaaliyeed, bulshada Soomaalida meel walba oo ay joogto waxaa u caddaatay in Madaxda DF-ka ay yihiin dabadhilifyo u caysan Xabashida Itoobiya iyo shisheeyaha kale ee dalka kusoo duulay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items