Trump Oo Mamnuucay Adeegga DACA Oo Taageerayay Dhalinyarada Soo Galootiga Ah.

Wednesday September 06, 2017 - 10:01:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Mamnuucay Adeegga DACA Oo Taageerayay Dhalinyarada Soo Galootiga Ah.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa ruqsadii kala laabtay Barnaamij taageero siinayay dadka Muhaajiriinta soo galootiga ah ee kunool wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa ruqsadii kala laabtay Barnaamij taageero siinayay dadka Muhaajiriinta soo galootiga ah ee kunool wadanka Mareykanka.

Adeegga DACA oo uu bixiyay Brack Obama sanaddii 2012 ayaa damaanad qaad sharciyadeed siinaya dad ku dhow 800 oo kun Mareykan ah kuwaas oo ubadan dhallaanka dadka muhaajiriita soo galootiga ah.

Wasiirka cadaaladda Mareykanka oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Washington ayaa sheegay in Trump uu xasaanadii kala laabtay adeegga DACA arrinkaas oo walaac ku beeray boqolaal kun oo shisheeye ah balse nolol ku heysta magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka.


Donald Trump ayaa aaminsan in adeeggan uusan waafaqsanayn dastuurka Mareykanka islamarkaana uusan la jaanqaadi doonin sharciyadda socdaalka dalka Mareykanka.

Tusaale ahaan ubadka dadka soo galootiga Mareykanka ee sharciga heysta ama sugayay ayaa hadda noqonaya kuwa aan wax rukhsa ah uheysan in ay Mareykanka sii deganadaan, adeegga DACA ayaa muwaadinimo toos ah siinayay soo galootiga sidoo kale waxay dadkaasi helayeen shaqooyin iyo waxbarasho balse hadda wixii ka dambeeya waxay halis ugu jiraan in dalka laga eryo.

Golaha Koongareeska ayaa lafilayaa in arrinkan ay cod uqaadaan waxayna ubadantahay in ay diidaan, wariyaal ayaa soo sheegay in tallaabadan tahay mid cunsuriyadeed oo Xisbiga Jamhuuriga ku dhaqmayo.

Trump ayaa horay ufuliyay laba kamid ah waxyaabihii uu ballanqaaday xilligii doorashada waxaana kamid ah in dadka kasoo jeedo wadamada islaamka aanay wadanka soo geli Karin iyo in darbi uu ka dhisi doono xadka ay wadaagaan wadamada Mareykanka iy Meksiko.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items