Ciidamada Maamulka 'Somaliland' Oo Weeraray Guri Uu Sheekh Aadan Sunne Ka Deganaa Magaalada Hargeysa.

Wednesday September 06, 2017 - 10:48:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamulka 'Somaliland' Oo Weeraray Guri Uu Sheekh Aadan Sunne Ka Deganaa Magaalada Hargeysa.

    Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Waqooyiga Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ay weerar ku qaadeen guri uu deganaa Sheekh caan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Waqooyiga Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ay weerar ku qaadeen guri uu deganaa Sheekh caan ah.

Xalay saqdii dhex ayay ciidamada Asha-haadda ladirirka RRU waxay u dhaceen guri uu magaalada Hargeysa la deganaa Sheekh Aaden Sunne oo kamid ah culimaa’udiinka Fara kutiriska ah ee xaqqa caddeeya oo kunool deegaanada uu kajiro maamulka ‘Somaliland’ isku magacaabay.

Mid kamida Ardayda Sheekh Aadan ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamada RRU ay si xun ula dhaqmeen sheekha iyo ehelkiisa islamarkaana ay rasaas nool nool u adeegsadeen ehelkiisa xilligii ay guriga kala baxayeen.


Dad daris la ah Sheekh Aadan Sunne ayaa isku dayay in maleeshiyaadka RRU ay ka hor istaagaan guriga Sheekha balse kuma guuleysan oo waxay adeegsadeen awood xad dhaaf ah, rasaas xooggan oo ay furayeen ciidamada weerarka qaaday ayaa xalay laga maqlay magaalada Hargeysa.

Sheekh Aadan Sunne ayaa jimcihii lasoo dhaafay oo ay ku beegneed Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa wuxuu jeediyay khudbad qiima badan oo uu uga hadlayay tacadiyada kajira xabsiyada magaalada Hargeysa iyo dhibaatada ay dadka muslimiinta ah ku hayaan maleeshiyaad Argagaxisa ladirirka RRU-da loogu magac daray.

Sidoo kale Sheekh Aadan ayaa kaalin weyn ka qaadanayay reebista munkarka iyo farista macruufka wuxuuna sheekhu caan ku ahaa Jeedinta muxaadarooyin diini ah oo waaqica ka hadlaya, bil ka hor markii Kaniisad laga furay magaalada Hargeysa Sheekhu wuxuu kamid ahaa culimadii ka dhiidhisay xumaantaas islamarkaana maamulka ‘Somaliland’ ku cadaadiyay in uu albaabada isugu laabo Kaniisaddaasi.

Ma ahan markii ugu horraysay oo RRU ay Xabsiga dhigto Sheekh Aadan Sunne, bishii Ramadaan ayay aheyd markii lagasii daayay xabsiga magaalada Hargeysa waxaana xusid mudan in Sheekhu uu ku dhaartay sheegista xaqqa xataa haddii uu naftiisa ku weynayo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected],com

Related Items