Al Shabaab Oo 5 Qof Kenyaan Ah Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Gobolka Lamu.

Wednesday September 06, 2017 - 11:40:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo 5 Qof Kenyaan Ah Ku Dishay Weerar Ka Dhacay Gobolka Lamu.

    Khasaara Xooggan ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Lamu ee wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara Xooggan ayaa ka dhashay weerar hor leh oo ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Lamu ee wadanka Kenya.



Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Hindi oo hoos yimaad gobolka Laamu, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga weerarka qaaday ay dileen 5 qof Kenyaan Nasaara ah islamarkaana ay gubeen 5 guri.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Al Shabaab ee  weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta tuulada Hindi oo dhacda galbeedka gobolka Lamu ee wadanka Kenya.



War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta tuulada islamarkaana ay muxaadarooyin diini ah ujeediyeen dadka muslimiinta ah ee ku nool deegaanka Hindi.

Dhinaca kale warbaahinta maxalliga Kenya waxay sheegtay in Meydadka afar qof  lagu arkay deegaanka Hindi waxaana jira dibad baxyo ay dhigayaan dadka Kirishtaanka Kenyaanka ah oo ay uga cabanayaan in dowladdu ay dayacday amnigooda.

Deegaanka Hindi ee weerarku ka dhacay ayaa ku dhow xeeb ay dhowaan Kenya ka dhisi doonto dekad laga dhoofiyo shidaalka iyo kheyraadka ay ciidankeedu ka boobeen dhulka Soomaaliya, Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay silsilado weeraro ah ka fulinayay gudaha wadanka Kenya wuxuuna weerarkan imaanaya xilli Melleteriga Kenya uu bilaabay duqeyn ka dhan ah xoola dhaqatada Keymaha Booni.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items