Taliban Oo 20 Askari Mareykan Ah Ku Dishay Magaalada Kaabul Ee Wadanka Afghanistan.

Wednesday September 06, 2017 - 21:57:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban Oo 20 Askari Mareykan Ah Ku Dishay Magaalada Kaabul Ee Wadanka Afghanistan.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar istish-haadi ah oo dagaalyahan katirsan xarakada Taliban uu ku qaaday ciidamo Mareykan ah xilli ay ku sugnaayeen magaalada Kaabul ee xarunta wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar istish-haadi ah oo dagaalyahan katirsan xarakada Taliban uu ku qaaday ciidamo Mareykan ah xilli ay ku sugnaayeen magaalada Kaabul ee xarunta wadanka Afghanistan.


War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Islaamiga Taliban ayaa lagu sheegay in 20 askari oo Mareykan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar naf-hurnimo oo lala beegsaday afaafka hore ee saldhigga Melleteriga Bagram.

"Mid kamida Mujaahidiinta imaarada islaamiga Afghanistan geesiga Max'med Idriis oo kasoo jeeda gobolka Kaabiisiya ayaa camaliyad istish-haadi ah fuliyay saacaddu markii ay ku beegneed 6 galabnimo ee waqtiga Afghanistan, isagoo wata mooto lagasoo buuxiyay walxo aad uqarxa ayuu beegsaday isku imaatin ay ciidamada muxtalliinta ah uga sugnaayeen albaabka saldhigga Bagraam, weerarkan wuxuu jawaab celin aargoosi ah u ahaa,xad gudub ay ciidamada Mareykanka ku xadgudbeen Raayada Towxiidka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliban.



Ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Barawan ee wadanka Afghanistan ayaa ku jees jeesay mashaacirta muslimiinta iyagoo jeex jeexay oo gubay Raayada Towxiidka arrinkaas oo dhaliyay in dagaalyahan Taliban ah uu weerar aargudasho ah ku qaado.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho

[email protected]

Related Items