Warbixin: Fanaanad Caan Ka Ah Wadanka Lubnaan Oo Fanka Ka Towbadkeentay Fariinna udirtay Fanaaniinta.

Thursday September 07, 2017 - 11:55:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Fanaanad Caan Ka Ah Wadanka Lubnaan Oo Fanka Ka Towbadkeentay Fariinna udirtay Fanaaniinta.

    Wuxuu ahaa go'aan geesinima leh oo ay qaadatay mid kamida fanaaniinta ugu caansan caalamka carabta uguna fisiq faafinta badneed, si lama filaan ah ayay ugu dhawaaqday in ay ka hartay fanka Allane u towbadkeentay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu ahaa go'aan geesinima leh oo ay qaadatay mid kamida fanaaniinta ugu caansan caalamka carabta uguna fisiq faafinta badneed, si lama filaan ah ayay ugu dhawaaqday in ay ka hartay fanka Allane u towbadkeentay.

Amal Xijaazi oo safka hore uga jirtay fanaaniinta ku nool mandiqadda Bariga dhexe gaar ahaan Lubnaan ayaa iclaamisay in ay ka tagtay Fanka oo ay ku tilmaamtay hiwaayad huwan  fuxshi iyo  baadil ah.

Fariimmo dhowr ah oo ay ku faafisay barteeda facebook-ga ayay ku sheegtay in ay Alle utowbad keentay islamarkaana ay ku faraxsantahay in hadda ay tahay muslimad dhowrsoon  "go’aankan waxaan qaatay kadib sanado aan ka sheeganayay qalqal iyo deganaashiyo la’aan daakhili ah” ayay tiri Amal Xijaazi.


Fanaanadan towbad keentay ayaa saaxiibadeedi Fanka ugu baaqday in ay isaga baxaan ayna dib ugu laabtaan dhowrsanaanta iyadoo la moodo in ay shallaay iyo qoomamo ka muujinayso dunuubtii ay sameysay ayay tiri "Allaah waa aqbalay ducadeydii waana iga saaray ciriirigii nafsaaniga ahaa ee aan wajahayay..xaqan alle ayaa mudan in loo laabto..alxamdilillaah alxamdulillaah”.

iyadoo sii hadeysay ayay tiri "marwalba alle waxaan ka baryi jiray in uu iga saaro ciriiriga waligeey ma aaminin in fanku yahay mihnad balse wuxuu ii ahaa hiwaayad”.

Amal Xijaazi oo gudaha wadanka Lubnaan looga yeero Boqoradda Fanka ayaa ka sheekaysay xumaata ay leedahay qaawanaanta iyo ciyaarista qoobka cayaarka waxayna si qota dheer u sheegtay in addoonku marka uu xumaan faraha kula jiro uu yahay mid aan deganayn balse marka uu camal wanaagsan sameynayo allana u towbadkeeno uu yahay mid deggan oo noloshiisa dhan walba ka wanaagsantahay.

"waxaan dareemayaa in aan ku noolahay caalam kale oo farxad leh marka loo eego caalamkii fanka iyo fuxshiga ee aan dhax dabaalanayay, ilaah idankii waxaan sii ahaan doonaa mid hanuunsan"  ayay hadalkeeda sii raaciyay Fanaanadan alle u towbad keentay.

Ehelka Amaz Xijaazi waxay sheegeen in ay hanuuntay iyadoo taagan Banka Carafo maalintii malaayiin muslimiin ay gudanayeen fariidada xajika xilligaas oo ay ku dhawaaqday in ay isaga tagtay fanka.

Xijaazi oo fariin kooban u dirtay asaxaabteedii fanka iyo taageerayaasheeda ayaa tiri "kuwii igu jeclaa fanka xaq waxaa ah in aad igu jeclaataan baraarahan aan waligeey isoo marine ee aan hadda heysto, ilaahey aniga iyo idinkaba hanaga yeelo ahlu jannah,hana nahanuuniyo dhammaanteen”.

Amal ma aheyn oo kaliya fanaanad ee waxay xayaysiin jirtay dharka lacago kumanaan kun dollar ahna bil walba mushaar ahaan ayay uqaadan jirtay, hadda waxaas oo idil waa isaga tagtay waana haweenay xijaaban oo isbedel dhan walba ah ayaa kusoo kordhay nolosheeda.

Boqolaal ducaad muslimiin ah ayaa Amal Xijaazi ugu hambalyeeyay tallaabada ay qaaddatay waxayna urajeeyeen kheyr iyo sugnaan joogta ah.

W/Q Hilaal Colaad

Related Items