Yahuudda Oo Duqeyn Ka Geysatay Suuriya iyo Ciidanka Al-asad oo Deyruzuur Gaaray.

Thursday September 07, 2017 - 08:15:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yahuudda Oo Duqeyn Ka Geysatay Suuriya iyo Ciidanka Al-asad oo Deyruzuur Gaaray.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leedahay Yahuudda ay burburiyeen saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Xamaah ee dhaca bartamaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leedahay Yahuudda ay burburiyeen saldhig melleteri oo kuyaal gobolka Xamaah ee dhaca bartamaha wadankaasi.

War ay baahisay wakaaladda Wararka ufaafisay nidaamka Bishaar Al-asad ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 2 askari ay ku dhinteen duqeynta oo saaka aroortii ka dhacday degmada Masaayaf  "wuxuu ahaa isku day niyadda loogu dhisayay Argagaxisada duqeynta cadawtooyo waxaa ku shahiiday laba askari khasaara maaddi ahna waa jiraaā€¯ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Suuriya.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in duqeyntu ay beegsatay warshad hubka kiimikada lagu sameynayay waxaana la arkay qiic iyo uura madoow oo cirka isku shareeray, gobolka Xamaah ee duqeyntu ka dhacday waxaa ka socda dagaallo culus oo u dhaxeeya Nidaamka Al-asad iyo xoogaga mucaaradka.


Dhinaca kale ciidamada Nidaamka Suuriya iyo Maleeshiyaad shiico ah oo taageera ka helaya melleteriga Ruushka ayay usuurtagashay in ay hareereynta ka qaadaan Magaalada Deyruzuur ee bariga wadankaasi dhacda.

Taliska melleteriga Ruushka ee Suuriya ayaa xaqiijiyay in sedax sanadood kadib markii ugu horraysay ciidamada Nimaadka Al-asad iyo xulufadiisa ay gudaha ugaleen magaalada Deyruzuur oo sanadadii lasoo dhaafay u hareeraysneed xoogaga isku magacaabay dowladda islaamiga ah.

Tani waa markii ugu horraysay ee dhinacyada cadawga ah isku fidiyaan gobolka Hodonka ku ah shidaalka ee Deyruzuur kaasi oo muddo ku siman sedax sanadood ahaa xur marka laga reebo garoonka melleteriga magaalada oo ay gacanta ku hayeen ciidamada melleteriga Nidaamka Al-asad.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items