Faah Faahin: Weerar iyo Qarax Ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday Duleedyada Degmada Mahadaay.

Saturday September 09, 2017 - 07:17:19 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Weerar iyo Qarax Ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday Duleedyada Degmada Mahadaay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan AMISOM oo duullaan ku jooga deegaanno gobolka Katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weeraro khasaara dhimasho iyo dhaawac dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan AMISOM oo duullaan ku jooga deegaanno gobolka Katirsan.

Ugu yaraan 10 askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa la xaqiijiyay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qarax lagula beegsaday deegaan dhanka Waqooyi uga beegan degmada Mahadaay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari Taaw ah oo qeyb ka ahaa kolonyo gaadiid ah oo saad melleteri ugelbisay deegaanka Cali Fooldheere oo ku dhow degmada Mahadaay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxa kadibna waxaa xigay rasaas xooggan oo ay ufureen ciidamada la weeraray, dhammaan ciidamadii gaariga saarnaa oo lagu sheegay 10 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday.


Dhinaca kale dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Buurane oo u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay, xalay saqdii dhexe ayuu dagaal culus ka dhacay deegaanka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, warark ayaa sheegaya in gantaallada garbaha laga rido ay dagaalyahanada Al Shabaab la heleen teendhooyin ciidanka AMISOM uga dhisnaa deegaanka Buurane arrinkaas oo sababay gubasho baaxad leh oo gaartay saldhigyada ciidamada shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items