Al Shabaab Oo Ka Hadashay Xasuuqa Lagu Haayo Muslimiinta Rohingga Kuna Baaqday in loo Gurmado [Bayaan].

Saturday September 09, 2017 - 07:51:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Ka Hadashay Xasuuqa Lagu Haayo Muslimiinta Rohingga Kuna Baaqday in loo Gurmado [Bayaan].

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay uga hadashay xasuuqa bahalnimada ah ee lagu haayo muslimiinta ku nool wadanka Boorma ee qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay uga hadashay xasuuqa bahalnimada ah ee lagu haayo muslimiinta ku nool wadanka Boorma ee qaaradda Asia.

Bayaanka oo ku qornaa luqadda carabiga waxaa soo saartay mu'asasada Al Kata'ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada SHM.

Bayaankan oo cinwaan looga dhigay "Isir Sifeynta Lagu Hayo Muslimiinta Rohingya” ayaa ugu horeyn lagu yiri "Waxaan aad ula fajacnay wararka ka soo yeeraya walaalaheena Muslimiinta ee lagu gumaadayo gobolka Arakan ee wadanka Myanmar ama Burma. Imisa ayey aad noo xanuunjisay qeylo dhaanta iyo baaqyada gurmad dalabka ah ee ku soo dhacaya dhagaha caalamka balse aanan dhag jalaq loo siinin.



" Tira koobyada Muslimiinta halkaa lagu laayey waxay gaartay kumanaan. Muuqaalada qaxootiga ka soo barakacaya halkaasna waxay gaartay tobanaan kun kuwaa oo badaha isku guray si ay naftooda kala bad-baadaan gumaadka ay wadaan Buudhiyiinta Nijaasta ah ee ku caan baxay asaaliibta aadka u guracan ee dilka, jirdilka iyo barakicinta walaalaheena Muslimiinta ee Rohingya, iyadoo aanay jirin cid ishor taag waxgal ah ka geysaneysa arintooda si loo baajiyo gumaadka Buudhiyiinta. Arintaas waxay qofkasta oo Muslim ah ugu baaqeysaa in uu dib u fikiro, soona xusuusto munaafaqnimada iyo dulmiga nidaamka gaalada ee caalamiga ah.

Gaar ahaan marka aan isbarbar dhigno, jawaab celinta maanta iyo jawaab celintii ay gaaladu bixiyeen markii ay u soo qeylo-dhaansadeen qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Yaziidiyiinta Ciraaq kuwaas oo sida deg dega ah ay ugu soo gurmadeen Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Ingiriiska, heegan buuxana u geliyeen unugyadooda sirdoonka iyo military-ga taas oo weliba ay garab socotay buun-buun lixaadleh oo dhanka warbaahinta ah, kana tarjumeysay heerka ay gaarsiisan tahay gurmadka caalamku u fidiyey qowmiyadaas tirada yar.

Hadaba inkastoo tirada Muslimiinta Myanmar ay u dhexeyso 5 ilaa 8 milyan, intooda badana sanado dhowr ah lagu hayey gumaad ba’an, hadana ma dhicin in gaaladu ay gurmadkooda far u dhaqaajiso si cadowgooda looga waabiyo, boogahoodana loo dhayo. Waxayna ku ekeysteen kaliya cambaareyn iyo digniino aan waxtar lahayn.

Halka ay dhiigya-cabyada Mujrimiinta ah sii wadan daadinta dhiigga Muslimiinta, ayna Muslimiinta Rohingya u isticmaalayaan qaababka argigixisanimo ee ugu foosha xun ee taariikhda soo martay sidaas oo ay tahayna ma aynaan arkin in mooryaantaas Buudhiyiinta ah lagu daray liiska Argigixisada taas badalkedna kama suulin in ay ku sii taraxtagayaan dulmigooda iyagoo ku hoosjira daladda xukuumada Myanmar ee Mujrimadda ah.

Taariikhda dhibaatada Muslimiinta Rohingya waa mid waqti dheer soo jiitameysay, waxaana lagu tiriyaa qowmiyadda ugu faqiirsan, ugu aqoonta yar, ugu baaga-muudada badan, ugu baahida badan, looguna gumaadka badan yahay wadanka Myanmar. Waxaa horay u jirtay in dowlada Myanmar ay xilligyadii sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii boqolaal kun oo ka mid ah Muslimiinta Rohingya u barakicisay wadanka Bangaladesh, welina kama aanay suulin in ay ku sii socoto siyaasaadkeeda ku dhisan dulmiga iyo cadowtooyada taas oo banaanka soo dhigeysa heerka uu gaarsiisan yahay sida ay gaaladu si qayaxan isugu habar wacaneyso Muslimiinta laga awoodda badan yahay iyagoo aanan u fiirineynin qiyam Insaani ah iyo mid diini ah intaba, Sababta kaliya ee lagu heystana ay tahay Islaamnimadooda iyo Iimaankooda ay Allah kaligii rumeysan yihiin.

Allaah Wuxuu Leeyahay:

ومانقمو منهم الا ان یؤمنون بالله العزیزالحمید

Allaah Wuxuu yiri:

"ولا يزالون يقاتلونكم حتى يردوكم عن دينكم إن استطاعوا”

Xaalka aan maanta ku suganahay waxaa qarniyo fara badan ka hor nooga waramay Nabi Muxamed SCW, Waxa uu Abuu Daa’uud ka wariyey Thowbaan in Rasuulka SCW uu yiri:

Umadaha ayaa isugu kiin yeeran doonta sida kuwa wax cuna ay isugu yeertaan Xeeradooda, ka dib mid ayaa Rasuulka ku yiri: Ma yaraanteena darteed ayaa maalintaas sidaas na loo yeelayaa? Rasuulku wuxuu yiri: in aad yartihiin iska dhaafe maalintaas waad badan tihiin, balse waxaad tihiin sida daad-xoorta oo kale. Allaahna qalbiga cadowgiina wuxuu ka siibayaa in ay idinka heybeystaan, quluubtiinana Allaah wuxuu ku ridayaa Wahan, Mid ayaa rasuulka ku yiri: Rasuul Allow wahanku waa maxay? Rasuulka wuxuu yiri: Waa aduunyo Jecel iyo Geeri naceyb.

Xadiithkan waxaa ku jira daliil cad oo muujinaya muhiimada uu leeyahay in Jihaadka la laazimo si loo dhowro heybadda ay Muslimiintu cadowgooda ku dhex leeyihiin, waana waxa ugu horeeya ee aan ku boorineyno walaalaheena Muslimiinta ee Myanmar.

Alllaah waxa uu Leeyahay:

وَأَعِدُّواْ لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدْوَّ اللّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَآخَرِينَ مِن دُونِهِمْ لاَ تَعْلَمُونَهُمُ اللّهُ يَعْلَمُهُمْ

Qaata Amarka Allaah iyo rasuulkiisa SCW, Oogana fariidada Jihaadka si aad uga baxdaan godadka dulliga oo aad ugu baxdaan fagaaraha Ciziga iyo sharafta.

Allaah Wuxuu Yiri:

(ياأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَجِيبُوا لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ

وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يَحُولُ بَيْنَ الْمَرْءِ وَقَلْبِهِ وَأَنَّهُ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ

Dhamaan Muslimiinta Aduunkana waa in ay ogaadaan, gaar ahaan muslimiinta ku nool wadamada Bangladesh, Malaysia Pakistan, Hindiya iyo Indonesia in dhibaatada Muslimiinta Rohingaha ee maanta ay beri iyagu ku soo wajahan tahay haddii ay maanta ka aamustaan walaalahiina dhibaatadana ku fiirstaan idinkoo aanan la imaanin fal celinta ku haboon dhibaatada ay wajahayaan.

Waxaa maanta la idinka doonayaa in aad isgarab istaag dhab ah la timaadaan, Islaamnimadiina iyo walaaltinimadiinana ka run sheegtaan taas oo ah sirta awooddiina iyo guushiina. Ka dhiidhiya dulmigaas aadka u weyn, una istaaga gurmadka walaalahiina Mustadcafiinta ah qaab walba oo aad awoodaan sababtoo ah Muslimiintu waa walaalo.

وَمَا لَكُمْ لَا تُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالْمُسْتَضْعَفِينَ مِنَ الرِّجَالِ وَالنِّسَاءِ وَالْوِلْدَانِ الَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا أَخْرِجْنَا مِنْ هَٰذِهِ الْقَرْيَةِ الظَّالِمِ أَهْلُهَا وَاجْعَلْ لَنَا مِنْ لَدُنْكَ وَلِيًّا وَاجْعَلْ لَنَا مِنْ لَدُنْكَ نَصِيرًا
Sidoo kale waxaan fariin u jeedineynaa walaalaheena Mujaahidiinta ee dhulka qaarad u ekaha Hindiya, waxaana ugu baaqeynaa in ay awoodooda isku geeyaan, kana aargudaan buudhiyiinta Nijaasta ah, ayna beegsigooda cibra uga dhigaan mid walba oo ku dhiirada in uu dadka Muslimiinta dhibaateeyo meelwalba oo uu joogo. Anaguna inkastoo aan Juquraafi ahaan aad uga fognahay gobolka Arakan ee ay Muslimiintu leeyihiin, hadana waxaan ka jihaadeynaa bariga Africa, Indhaheenunu iyada ayey hayaa iyo goobwalba oo ay Muslimiintu ku dhiban yihiin, daraadood ayaan Jihaadka ugu dhawaaqnay, daraadood ayaana ugu kifaaxnay wadada ribaadhka si aan dulliga iyo liidnaanta uga siibno Umadeena Muslimka ah, dib ugu soo celino karaamadeedii waxwalba oo ay nagu qaadato.

Halkan Hoose Ka Akhriso Bayaanka Oo Carabi Ah.





Related Items