180 Bilyan oo Doollar oo lagu qiyaasay Khasaaraha ay sababtay Duufaanta Harvey.

Saturday September 09, 2017 - 08:02:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    180 Bilyan oo Doollar oo lagu qiyaasay Khasaaraha ay sababtay Duufaanta Harvey.

    Gudoomiyaha Gobolka Texas ee dalka Mareykanka Greg Abbott ayaa sheegay in khasaaraha dhaqaale ee ay sababtay duufaanta Harvey ee todobaadkii lasoo dhaafay ku dhufatay gobolkiisa inuu u dhaxeeyo 150-180 Bilyan oo doollar, taas oo tobon laab ka badan q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Texas ee dalka Mareykanka Greg Abbott ayaa sheegay in khasaaraha dhaqaale ee ay sababtay duufaanta Harvey ee todobaadkii lasoo dhaafay ku dhufatay gobolkiisa inuu u dhaxeeyo 150-180 Bilyan oo doollar, taas oo tobon laab ka badan qiyaastii markii hore la sameeyay.



Wareysi uu siiyay Telefeshinka FoxNews ayaa waxa uu ku sheegay in marka loo eego dadka iyo deegaanka ay saameysay duufaantaasi inay aad ugu badan tahay khasaarihii ay sababtay duufaantii Katrina ee sannadkii 2005-tii ku dhufatay magaalada New Orleans, taas oo dhalisay khasaare dhan 120 Bilyan oo Doolar.

Khasaaraha dhaqaale ee ay sababtay duufaanta Harvey ayaa waxay u muuqataa inuu kor usii kacayo marba marka ka dambeysa xilli tobanaan kun oo qofood ay weli ku jiraan Xarumo gabbaad ah oo kuyaalla gobolka Texas, waxaana dadkaasi ay isku diyaarinayaan inay guryahooda ku noqdaan, kadib markii ay hoos u dhaceen daadadkii ka dhashay duufaanta, kuwaas oo waddooyinka u badalay webiyo iyo harooyin waaweyn.



Greg Abbott waxa uu sheegay in soo kabashada Gobolka Texas inay Sanado qaadan karto


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in Xukuumadda dhexe ee Fedraalka ah ay isku dayeyso in kaalinta ugu weyn ay ka qaadato dadaalka gar-gaarka iyo gurmadka ee gobolkaas ka soconaya si loo caawiyo dadka ay saameysay duufaanta.

Duufaanta Harvey ayaa illaa iyo hadda waxay sababtay dhimashada 50 qofood iyo khasaare dhaqaale oo xoog leh, iyadoo ay ku barakaceen inkabadan Hal milyan oo qofood oo ku nool Gobolka Texas.

Xigasho: Amiirnuur.com

Related Items