Dhaxal Sugaha Sacuudiga iyo Boqorka Qadar Oo Khadka Taleefanka Ku Wadahadlay.

Saturday September 09, 2017 - 08:57:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaxal Sugaha Sacuudiga iyo Boqorka Qadar Oo Khadka Taleefanka Ku Wadahadlay.

    Sedax bilood kadib markii ugu horraysay Hoggaamiyaasha dowaladaha Khaliijka ayaa xiriir toos ah yeeshay si ay u xalliyaan khilaafka ragaadiyay dowlaha ku bahoobay Ururka iskaashiga gacanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sedax bilood kadib markii ugu horraysay Hoggaamiyaasha dowaladaha Khaliijka ayaa xiriir toos ah yeeshay si ay u xalliyaan khilaafka ragaadiyay dowlaha ku bahoobay Ururka iskaashiga gacanka.

Wakaalada wararka ufaafisa Sacuudiga ayaa sheegtay in Max’med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugahay Sacuudiga ahna wasiirka difaaca uu xiriirka dhanka Taleefanka ah lasameeyay Tamiim Aala Thani oo ah Boqorka wadanka Qadar.

"Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Max’med Bin Salmaan ayaa xiriir la sameeyay Boqorka Qadar waxayna isku afgarteen in is faham iyo miiska wadahadalka lagu dhameeyo Khilaafka jira” ayaa lagu yiri war ay faafisay wakaaladda Sacuudiga.


Hoggaamiyaha Qadar ayaa muujiyay in uu diyaar u yahay wadahadal fool ka fool ah si loosoo afjaro hareeraynta 90 maalmood Jirsatay ee dowladdiisa ay kusoo rogeen xulufada Sacuudiga iyo imaaraatka Carabta.

"Tamiim wuxuu umuujiyay Max’med Bin Salmaan doonistiisa ah wahadal dhanka miiska ah iyo in laga munaaqashooda waxyaabaha ay dalbanayaan dowladaha afarta ah ee Hareereynta saaray Qadar, dhammaan wadahadalladaasi waxay dan u yihiin dowladaha gobolka” ayay tiri wakaalada wararka Sacuudiga.

Dhinaca Kale xukuumada Qadar ayaa Muujisay sida ay diyaarka ugu tahay in miiska wadahadalka ay isugu yimaadaan Hoggaamiyaasha dowladaha Khaliijka ayna kawada hadlaan waxa laysku haayo balse Qadar waxay sheegtay war khilaafsan midka Sacuudiga kasoo baxay.

"Amiirka Qadar wahadallo dhanka Taleefanka ah ayuu la yeeshay dhaxal sugaha Sacuudiga  isagoo isku xir ka helaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, dalabka dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa ahaa in dowlad walba ay soo dirsato laba ergo si khilaafka loo xalliyo” sidaas waxaa faafisay wakaalada Wararka QANA ee Afka Qadar Ku hadasha.

Wadahadalladan ayaa imaanaya xilli Boqorka Kuwait iyo Donald Trump ay kulan ku yeesheen Magaalada Washington, dhammaan qodobada kulankaasi looga hadlayay ayaa ahaa xallinta khilaafaatka u dhaxeeya dowladaha Khaliijka oo saameyn ku yeeshay dagaalka Mareykanku uga jiro wadamada caalamka islaamka.

Lama oga in Qadar ay aqbali doonto dalabkii ka yimid dowladaha afarta ah ee Hareereynta saaray waxaana qodobada lagu xujeeyay Qadar kamid ahaa xirista Telefeshinka Afka dheer ee Aljazeera iyo in ay albaabada isugu laabto xafiisyada Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items