Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Dharkeynleey Oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

Saturday September 09, 2017 - 14:18:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Dharkeynleey Oo isku Day Dil Ka Badbaaday.

    Mas'uul sare oo katirsan maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowlada Federaalka ayaa isku day dil ka badbaaday kadib weerar lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo katirsan maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowlada Federaalka ayaa isku day dil ka badbaaday kadib weerar lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

Maanta barqadii ayay xoogag hubeysan weerar ku qaadeen gaari uu lahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeynleey, goob joogayaal ayaa sheegay in rasaas xooggan la huwiyay gaariga guddoomiye ku xigeenka xilli uu marayay agagaarka Dabakaayo Madoow.

Darawalkii gaarka ahaa ee guddoomiye ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarka sida uu xaqiijiyay Afhayeenka rasmiga ah ee maamulka gobolja Banaadir oo warbaahinta la hadlay.


Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan lagu khaarijin lahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeynleey sida ay baahisay idaacadda Andalus.

"Howlgalkan ayaa lagu beegsaday gaari uu lahaa guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkenley, Waxaana uu yimid ka dib markii Mujaahidiintu ay wadada u galeen gaariga, ka dibna rasaas ku fureen" ayaa lagu yiri war idaacadda lagasii daayay.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in xoogaga weerarka fuliyay iyagoo bad qaba ay goobta isaga tageen islamarkaana ciidamada DF-ka aysan ku guuleysan in ay ka hortagaan weerarka lagu dili lahaa mas'uulkan katirsanaa maamulka gobolka Banaadir "Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in halyeeyada fuliyey weerarka ay si nabadgalyo ah kaga soo tageen halka uu weerarku ka dhacay Iyadoo aanan la kulmin wax iska caabin ah" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo maanta  gelinkii hore  ay xiranaayeen inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho islamarkaana  gaadiidka dadweynaha aanan loo ogoleyn isticmaalka wadooyinka, waxayna taasi muujineysa tabardarada laamaha amniga ee DF-ka.

Weerar hubeysan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanno dhaca duleedka Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay taliyihii Nabad sugidda Taree dishe iyo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items