Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho.

Sunday September 10, 2017 - 08:23:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho.

    Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka xilli xukuumadda Kheyre ay sheegtay in caasimadda la nabadeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka xilli xukuumadda Kheyre ay sheegtay in caasimadda la nabadeeyay.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa degmooyinka gobolka Banaadir ka dhacay dilal qorshaysan oo dhammaantood lala beegsaday howlwadeenno katirsan DF-ka.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii agagaarka isgoyska KPP ku dilay mid kamida guddoomiye waaxeedyada degmada Hodon.

Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdi Ibraahim oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa lagu dilay meel ku dhow Masjidka Sheekh Cali Suufi sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.


Shalay ayuu isku day dil ka badbaaday guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeynleey balse waxaa ladilay Ninkii darawalka ahaa kadib weerar ka dhacay xaafadda Dabakaayo Madoow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items