Weerar Lagu Beegsaday Sarkaal Katirsan DF-ka Oo Ka Dhacay Dharkeynleey.

Sunday September 10, 2017 - 12:53:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Lagu Beegsaday Sarkaal Katirsan DF-ka Oo Ka Dhacay Dharkeynleey.

    Xoogag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa barqanimadii maanta weerar qorsheysan ku qaaday gaari uu leeyahay mas'uul ka tirsan DF-ka iyadoona lagusoo waramayo in Khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa barqanimadii maanta weerar qorsheysan ku qaaday gaari uu leeyahay mas'uul ka tirsan DF-ka iyadoona lagusoo waramayo in Khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkaas.


Weerarkan oo ahaa mid dhabagal ah kana dhacay degmada Dharkeynleey gaar ahaa xaafadda Cali dheere  ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan hal ruux laguna dhaawacay laba ruux oo kale.

Idaacadda Andalus ee afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in weerarkana ay ciidamada Al Shabaab fuliyeen "Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in weerarka loo adeegsaday hubka daran-dooriga iyo garneelada garbaha laga tuuro waxaana lagu beegsaday gaari sarkaal murtad ah watay" ayaa lagu yiri warka xarakada kasoo baxay.



Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo  weerar kan lamid ah uu shalay ka dhacay isla degmada dharkeynleey waxaana si dirqi ah ku badbaaday guddoomiye ku xigeenka degmadaasi waxaana weerarkaasi lagu dilay darawalkii gaarigiisa.

Weeraradan ayaa dhacaya xilli  maalintii labaad ay xiran yihiin dhamaan wadooyinka magaalada Muqdisho, Waxayna muujineysa taagdarida maleeshiyaatka DF-ka.

Related Items