Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga AMISOM Ee Garoonka Mogadishu Stadium.

Sunday September 10, 2017 - 16:51:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhigga AMISOM Ee Garoonka Mogadishu Stadium.

    Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxyo xooggan ayaa ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxyo xooggan ayaa ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.


Maanta duhurkii ayaa madaafiic lagu garaacay garoonka kubadda Cagta Mogadishu stadium oo fadhiisin ciidan u ah soo duulayaasha AMISOM.

illaa 7 Madfac ayaa la xaqiijiyay in ay ku hoobteen gudaha garoonka oo saldhig melleteri u ah kumanaan katirsan ciidamada Ururka Midowga Afrika.

Dad ku sugan xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo ka dhashay madaafiicda hoobiyaasha ah ee lagu weeraray garoonka Mogadishu stadium.


Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ka fulinayso degmooyinka gobolka Banaadir waxaana muuqata in gaabis ay sii noqonayaan dadaalladii ay DF-ka ku sugeysay amniga caasimadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items