Dhageyso: Al Shabaab Oo Digniin Kasoo Saartay Mashruuca Shaqa Abuurista Muqdisho iyo Weerarkii Beled Weyne.

Sunday September 10, 2017 - 20:40:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Al Shabaab Oo Digniin Kasoo Saartay Mashruuca Shaqa Abuurista Muqdisho iyo Weerarkii Beled Weyne.

    Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay wuxuu uga hadlay qarax ka dhacay xarunta gobolka ee magaalada Beled Weyne iyo dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay wuxuu uga hadlay qarax ka dhacay xarunta gobolka ee magaalada Beled Weyne iyo dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.



Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay war rasmi ah kasoo saartay mashruuca Shaqa Abuurista loogu magac daray ee dowladda Federaalka ay dhowaan uga dhawaaqday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wuxuu soo hadal qaaday dilal xiriir ahaa oo ka dhacay degmada Dharkeynleey iyo weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee isbartiibada Muqdisho.

Sheekh Abuu Muscab wuxuu sheegay in mashruucaas uu yahay mid lagu ciidameynayo dhalinyarada Muqdisho ujeedkuna yahay in si dadban looga qeyb geliyo dagaalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah muslimiinta.



Mashruucan oo ay maalgelinayaan Q.Midoobe iyo Bankiga adduunka ayaa la sheegay in lagu shaqaalayno 900 oo dhalinyaro ah islamarkaana degmo walba laga qaadanayo 55 Arday oo dugsiyada sare kasoo baxay.

"Waxay doonayaan in 55 askari ay ka shaqaaleysiiyaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, oo kiiba ay lacago dollar ah siinayaan, waxay doonayaan in dadkaasi ay Jawaasiis iyo askar ka dhigaan kadib marka ay siminaaro siiyaan,umadda soomaaliyeed waa ogtahay in falkaasi gaalnimo yahay” ayuu yiri Abuu Muscab.

Al Shabaab waxay sheegtay in hadaf mashruuc ah uu u yahay beegsiga cid walba oo ka qeyb qaadata waxa loogu yeero shaqa abuurista waxayna waalidiinta magaalada muqdisho ugu baaqday in ubadkooda ay gacma qabtaan oo aysan ka qeyb gelin askareynta loogu magac daray mashruuca shaqa abuurka.

Abuu Muscab oo sii hadlayay ayaa yiri "waxaan uga digaynaa dadka waalidiinta ah oo muslimiinta ah guud ahaan in ilmahooda oo intaas kusoo dhibtoonayay oo jaamacad ka saaray ama iskuul ka saaray, in canugoodu maanta boqol dollar ama 150 dollar uusan Nasaaro uraacin oo waxaa weeye isagoo meel daran taagan mujaahidiintu halkaas ku beegsan oo ku dilin, carruurtiina mustaqbalkooda ku dadaala haddii aadan muslimiinta ku taageerayna ka ceshada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abuu Muscab.

Ugu dambeyntii Xarakada Al Shabaab waxay ugu baaqday Ardayda iskuulada iyo jaamacadaha in aysan ku dagmin dhagaraha loo maleegayo.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa imaanaya xilli Maamulka Gobolka Banaadir uu maalmo ka hor qabtay xaflad lagu daah furayay mashruuc Bankiga adduunka maalgelinayo oo la sheegay in shaqo loogu abuurayo 1000 qof.

Halkan ka degso Shirka Jaraa'id Ee Sh.Abuu Muscab MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items