Warar Dheeraad Ah: Ciidamada Al Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Degmada Beled Xaawo.

Monday September 11, 2017 - 08:09:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warar Dheeraad Ah: Ciidamada Al Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Degmada Beled Xaawo.

    Wararka ka imaanaya Magaalada Beled Xaawo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Beled Xaawo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada.


Kadib Dagaallo culus oo saaka aroortii bilaawday ayay ciidamada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan dhammaan xaafadaha magaalada iyo xarumaha maamulka.

Maleeshiyaad taageera ka helayay ciidamada Xabashida Itoobiyaa ayaa isaga cararay saldhigyadii ay Beled Xaawo uga sugnaayeen waxaana la sheegay in ay ka tallaabeen Xad beenaadka ay wadaagaanka Kenya iyo Soomaaliya.


Qarax xooggan oo lala helay saldhig melleteri ayaa sababay dhimashada in kabadan 30 askari, weerarka Naf-hurnimo kadib ciidamada Al Shabaab ayaa udaatay saldhigyada cadowga ugu dambeyna waxaa u suurtagashay in ay Beled Xaawo la wareegaan.

Ciidamada Al Shabaab ayaa dagaalkii Beled Xaawo ku qabsaday illaa iyo 4 gaari oo laba kamid ah yihiin gaadiidka Tikinida oo qoryo waaweyn ku rakibanyihiin, gaadiidka laqabsaday mid kamida waa nuuca ciidanka xambaara halka midka kale uu yahay gaari Booyad ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay arkayaan ciidamo farabadan oo katirsan Xarakada SHM oo gaaf wareegaya magaalada waxayna dadka shacabka ah ugu baaqeen in ay isdajiyaan.

Xarumaha muhiimka ah ee magaalada ayaa ugacan galay Al Shabaab sida saldhigga Booliska,xarunta degmada, iyo saldhigyo kale oo maleeshiyaad Itoobiya daacad u ah ay ku sugnaayeen.

Weerarka Beled Xaawo wuxuu ahaa mid kedis ah kaasi oo sababay in ay kala yaacaan mas'uuliyiintii maamulka Gedo iyo ciidamadii magaalada ku sugnaa.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in Xoogaga Al Shababaab ay qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanado melleteri.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'allaah

Related Items