Deg Deg: Maxaabiis Lagasii Daayay Xabsiga Magaalada Beled Xaawo.

Monday September 11, 2017 - 11:24:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg: Maxaabiis Lagasii Daayay Xabsiga Magaalada Beled Xaawo.

    War Hadda nagasoo gaaray magaalada Beled Xaawo ayaa sheegaya in Ciidamada Al Shabaab ay sii daayeen Tobaneeyo Maxaabiis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Hadda nagasoo gaaray magaalada Beled Xaawo ayaa sheegaya in Ciidamada Al Shabaab ay sii daayeen Tobaneeyo Maxaabiis ah.


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ee saaka dagaalka ku qabsaday magaalada Beled Xaawo ay Xabsiga kasii daayeen illaa 35 Maxaabiis ah oo muddo sanada ah ku xirnaa Xabsiga magaalada.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Maxaabiista oo Midka ugu yar uu Xabsiga ku xirnaa muddo sanad ah xuriyadoodi ay dib uheleen.

Boqolaal shacab ah oo ku faraxsan Maxaabiista lasii daayay ayaa socod kumaray afaafka hore ee Xabsiga magaalada Beled Xaawo, dhinaca kale khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkii saaka ayaa sii kordhaya waxaana la sheegayaa in dhimashu ay kor u dhaaftay 40 Askari.


 Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items