Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Beled Xaawo Oo 35 Dhimasho Ah Gaaray iyo Al Shabaab Oo Gaadiid Qabsatay.

Monday September 11, 2017 - 13:38:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Beled Xaawo Oo 35 Dhimasho Ah Gaaray iyo Al Shabaab Oo Gaadiid Qabsatay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii xooganaa ee saaka ka dhacay magaalada Beled Xaawo oo kaabiga ku heysa xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii xooganaa ee saaka ka dhacay magaalada Beled Xaawo oo kaabiga ku heysa xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.



Ku Dhawaad 40 askari oo ka tirsan Maleeshiyaadka Maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay  ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar ballaaran oo aroornimadii hore ee saaka ay Ciidamada Xarakada SHM  kula jarmaadeen saldhig Melleteri oo kuyaal degmada Balad-Xaawo ee Wilaayada Gedo.

Weerarkan oo ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah ayaa socday in muddo ah, Waxaana ciidamada Al Shabaab  dagaal xoogan kadib u suuragashay in ay cagta mariyaan gabi ahaanba saldhigga, halkaasna ku xasuuqaan Maleeshiyaatkii Xaabada u ahaa Itoobiya  ee lagula dul dhacay weerarka aroornimo.



Maleeshiyaatka ugu badan ayaa ku halaagsamay Camaliyadda Istish-haadiga oo ka dhacday bartanka Xerada, Iyadoona Maleeshiyaatkii kusoo baraarugeen jugta qaraxana ay u kala firxadeen dhanka Xad-beenaadyada Kenya iyo Itoobiya iyagoo aanan wax iska caabin ah sameynin.

Ciidamada Al Shabaab ayaa sidoo kale cagta mariyey tiro maleeshiyaad ah oo iyagana ku sugnaa saldhigga magaalada iyo xarunta degmada sida ay  xaqiijiyeen Saraakiisha melleteriga taas oo ugu dambeyntii ciidamadii weerarka geystay u suurtagelisay in ay magaalada gabi ahaana la wareegaan.

"Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in ay dul istaageen meydadka ku dhawaad 40 ka mid ah murtadiinta, qaar kale oo murtadiinta ka mid ahna ay si dirqi ah kaga baxsadeen goobta iyagoo qaarkood qaba dhaawacyo kala duwan" ayaa lagu yiri war ay faafisay idaacadda Andalus ee afka xarakada ku hadasha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Al Shabaab ay gudaha magaalada Beled Xaawo iyo saldhigga melleteri ee laweeraray ay ka kaxaysteen illaa iyo 10 gaari oo 2 kamid ah ay yihiin kuwa dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan, ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in gaadiidka Ciidamada Shabaab  qabsadeen ay kamid yihiin Booyado iyo gawaari xamuul ah oo loogu talagalay in ciidamada lagu daabulo.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa dib uga gurtay magaalada Beled Xaawo kadib saacado ay gacanta ku hayeen, ciidamada Mujaahidiinta oo wata gaadiidka Tiknimada ayaa si nabad gelya ah uga baxay magaalada waxaana la sheegay in markii dambe ay dib ugusoo laabteen Beled Xaawo ciidamadii maamulka Axmed Madoobe oo saaka u firxaday dhanka degmada Mandheera.

Weerarkan weyn ee Al Shabaab ka Fulisay magaalada Beled Xaawo ayaa dhabarjab weyn ku ah dowladda Federaalka iyo waxa loogu yeero Beesha Caalamka kuwaas oo dadaal ugu jiray in ciidamo ashaamud ah oo lagasoo aruuriyay maamul goboleedyada tababar lasiiyo kadib lagu wareejiyo amniga magaalooyinka ay baneyn doonaan ciidamada AMISOM marka lagaaro bisha May sanadda 2018.

isbuucii lasoo dhaafay weerar kan lamid ah ayaa ka dhacay deegaanka Buula Guduud waxaana weerarkaasi lagu dilay tobaneeyo Askari halka laba  gaari looga qabsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items