Ciidamo Kenyaan Ah Oo Gaari Looga Gubay Duleedka Degmada Dhoobleey.

Tuesday September 12, 2017 - 11:15:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kenyaan Ah Oo Gaari Looga Gubay Duleedka Degmada Dhoobleey.

    Weerar Khasaara dhaliyay ayaa ciida Kenyaan ah lagula beegsaday deegaan kulaala xadbeenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Khasaara dhaliyay ayaa ciida Kenyaan ah lagula beegsaday deegaan kulaala xadbeenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.



Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan lala helay kolonyo ciidamo ah kuu socdaalayay wadada  isku xirta deegaanka Taabto iyo degmada Dhoobley.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in miinada ay haleeshay oo ay burburisay gaari gaashaaman oo ka mid ahaa gaadiidka ay wateen kolanyada Kenyaatiga ee qaraxa lala beegsaday.

Wararka laga helayo degmada Dhoobley waxey sheegayaan in ay  jiraan tiro askar Kenyaati ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa ka dhacay duleedka degmadaasi.



Qaraxan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa kolanyada lala beegsaday isla xalay saqdii dhexe waxayna kasoo bexeen deegaanka Taabto waxayna doonayeen in ay sahay kasoo gelbiyaan dhanka wadanka Kenya.

Tani ayaa muujineysa in gabi ahaan ciidamada Kenya ay ka quusteen in maalin cad ay dhaqdhaqaaaq ka sameeyaan ama sahay ciidan doontaan balse arrinta muhiimka ah waxay tahay in isla habeenkii Kowaad ee ciidamada Kenya bilaabeen  dhaq dhaqaaqa qaraxyo lagu beegsaday.


Dhammaan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa gabay qaadista weeraro waxayna dadaalka ugu badan ku bixiyaan sidii ay sahay ugu kala gudbin lahaayeen saldhigyada ay ku leeyihiin magaalooyinka.

Dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ee Xarakada Al Shabaab caadeysatay ayaa wiiqay awooddii melleteri ee AMISOM iyo Itoobiya waxaana la saadaalinayaa in shisheeyuhu ay dalka isaga bixi doonaan waqti aan sidaas u fogeyn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items