Al Shabaab Oo Weeraro Xooggan Ku Qaaday Saldhigyada AMISOM Ee Degmada Jalalaqsi iyo Deegaanka Cali Fooldheere.

Wednesday September 13, 2017 - 11:04:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro Xooggan Ku Qaaday Saldhigyada AMISOM Ee Degmada Jalalaqsi iyo Deegaanka Cali Fooldheere.

    Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee bartamaha dalka Soomaaliya.



Wararka ka imaanaya duleedka degmada Mahadaay ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen ciidamada Xarakada SHM iyo kuwa soo duulayaasha Burundi ee ku sugan deegaanka Cali Fooldheere.

Xalay fiidkii ayay ciidamada Al Shabaab weeraro xooggan ku qaadeen saldhigyo melleteri oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin Cali Fooldheere, daryanka madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa laga maqlay deegaanka lagu dagaallamay iyo tuulooyinka hoos yimaad.



Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga Al Shabaab ay gudaha ugaleen Cali Fooldheere halkaas oo ay kula dagaallameen ciidamada Burundi ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ciidamada shisheeye uu kasoo gaaray dagaalkii xalay, maanta barqadii ayay deegaanka soo caga dhigatay diyaarad nuuca qumaatiga ukaca ah iyadoona Meydad iyo dhaawacyo ka daad gureysay deegaanka.

Dhinaca kale ciidamada Al Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhigyada Maleeshiyaadka Jabuuti ee degmada Jalalaqsi, goob joogayaal ayaa sheegay in iska hor’imaad xooggan uu ka dhacay Bariga Jalalaqsi balse lama oga khasaaraha shisheeyaha kasoo gaaray dagaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items