Shir Lagu Gorfeynayo Amniga Soomaaliya Kadib Bixitaanka AMISOM Oo Ka Furmay Magaalada Kampala [Warbixin].

Wednesday September 13, 2017 - 11:55:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shir Lagu Gorfeynayo Amniga Soomaaliya Kadib Bixitaanka AMISOM Oo Ka Furmay Magaalada Kampala [Warbixin].

    Xilli waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay cadaadis xooggan ku saarayaan taliska ciidamada AMISOM in ay dedejiyaan qorshaha ay uga baxayaan dalka Soomaaliya ayay dowladaha ciidamadoodu xoogga ku joogaan dalka waxay bilaabeen wada tashiyo ku aaddan xaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay cadaadis xooggan ku saarayaan taliska ciidamada AMISOM in ay dedejiyaan qorshaha ay uga baxayaan dalka Soomaaliya ayay dowladaha ciidamadoodu xoogga ku joogaan dalka waxay bilaabeen wada tashiyo ku aaddan xaaladda soo korortay.

Magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha ammaanka waxaana shirka ka qeyb gelaya madax katirsan wadamada dhaca Bariga qaaradda Afrika oo ay kamid yihiin Itoobiya iyo Kenya.

Shirkan oo diiradda lagusoo saarayo sidii ammaanka Soomaaliya loogu wareejin lahaa DF-ka marka ay baxaan ciidamada AMISOM waxaana goob joog ka ah inta badan safiirrada dowladaha reergalbeedka ee dhaqaalaha ku bixiya duullaanka shisheeye ee dalka lagusoo qaaday.


DF-ka waxaa shirka uga qeyb gelaya Nin lagu magacaabo Muuse C/qaadir Xasan oo ah madaxa xiriirka dibadda ee Booliska, Madaxa ciidamada Difaaca Shacabka Uganda ee UPDF ayaa warbaahinta u sheegay in shirka Kampala ay dowladaha Bariga qaaradda Afrika ku daji doonaan Roadmap ama khariirad dhanka amniga ah oo ku saleysan diyaarinta bixitaanka ciidamada AMISOM iyo in dowladda Federaalka ay dusha uridato mas’uuliyadda ammaanka Soomaaliya marka lagaaro bisha May,2018.

Mas’uul katirsan Ururka Midowga Afrika ayaa Wargeyska New Vision ee dalka Uganda u sheegay in shirka Kampala ka socda lagasoo saari doono Warmurtiyeed xadidaya waqtiga kama dambeysta ah ee ciidamada AMISOM ka baxayaan Soomaaliya iyo xilliga ay si rasmi ah u bilaabanayso wareejinta magaalooyinka hadda kujira gacanta AMISOM.

Diblumaasiyiin madasha shirka ku sugan ayaa lagasoo xigtay in qaban qaabada kulanka looga hadlayo amniga Soomaaliya ay mas’uuliyadiisa leeyihiin Midowga Yurub iyo Q.Midoobe oo ah maalgeliyayaasha ugu weyn ee ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Saraakiil katirsan Ururka Midowga Afrika ayaa aaminsan in Dowladda Federaalka aysan awoodin la wareegista amniga dalka waxayna saadaaliyeen in dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ay si fudud kula wareegi doonaan magaalooyinka lafilayo in ciidamada AMISOM isaga baxaan.

Shirarka lagu qabanayo gudaha iyo dibadda ee lagu gorfaynayo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay sii badanayay iyadoona siyaasiyiinta dabadhilifyada soomaalida ay hadal hayaan qorshahan lagu dedejinayo bixitaanka ciidamada shisheeye.

Howlgalka Q.Midoobe ay taageerayso ee Soomaaliya ayaa noqday midkii ugu waqtiga dheeraa abid oo fashilma, kumanaan askari Afrikaan ah oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay dhanka cirka ka taageerayaan ayaa ku guul darreystay in ay burburiyaan maamullada islaamiga ah ee kajira Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items