Dilal Siyaaba Kala Duwan Uga Dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Muqdisho.

Thursday September 14, 2017 - 10:54:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal Siyaaba Kala Duwan Uga Dhacay Xaafado Katirsan Magaalada Muqdisho.

    Dilal ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal ayaa saacadihii lasoo dhaafay siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sarkaal katirsan Dowladda Federaalka ku dilay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen sarkaal katirsan sirdoonka DF-ka oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdi Naasir Qaloocoow.

Dhinaca kale askari katirsan DF-ka ayaa degmada Xamar Weyne ku toogtay qof shacab ah, askariga ayaa rasaas ku furay  nin darawal ah oo kaxaynayay Mooto Bajaaj sida ay sheegeen dadka deegaanka.


Dilalka iyo qaraxyada ayaa joogta ah magaalada Muqdisho waxaana beenoobay ballanqaadkii xukuumadda Xasan Cali Kheyre ee ahaa in ay nabad iyo ammaan ka dhigeyso magaalada caasimadda ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items