Weerar Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Deegaanka Ceel-Wareegoow.

Thursday September 14, 2017 - 12:14:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Deegaanka Ceel-Wareegoow.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weeraro khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan AMISOM.



Ciidamo katirsan Xarakada  Al-Shabaab ayaa duleedka magaalada Marko waxay weerar dhabbagal ah ugu dhigeen ciidamo katirsan  AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda sida ay sheegeen dadka deegaanka waxaana jira khasaara  soo gaaray ciidamada la weeraray.

Ciidamada Shisheeye oo kolonyo ahaa ayaa markii ay marayeen deegaanka Ceel wareegow waxay ku dheceen weerar culus oo jidgal  ah oo in mudda ah socoday.



Dadka deegaanka waxay sheegeen in sheedda sare ay ka arkayeen gaari gubanayo, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la weeraray ay rasaas xoogga fureen.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in ciidamada Uganda uu kasoo gaaray weerarka waxaana aad u adkaaday in ciidamada saldhigyada ku leh deegaanno dhowr ah oo Sh/Hoose katirsan ay sahay isku kala gudbiyaan, weerarada Jidgalka ah ayaa halakeeyay dhaq dhaqaaqyada ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items