Sawirro: Taliyihii Ciidanka Melleteriga Degmada Ceelbuur Oo isku Dhiibay Al Shabaab.

Thursday September 14, 2017 - 12:59:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Taliyihii Ciidanka Melleteriga Degmada Ceelbuur Oo isku Dhiibay Al Shabaab.

    Sarkaal Sare oo Katirsanaa Ciidamada Melleteriga Dowladda Federaalka ayaa isku dhiibay maamul islaami ah oo kajira gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal Sare oo Katirsanaa Ciidamada Melleteriga Dowladda Federaalka ayaa isku dhiibay maamul islaami ah oo kajira gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.



Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gobolka Galguduud ayaa lagusoo Bandhigay mid kamida saraakiishii hoggaaminayay maleeshiyaadkii Soomaalida ee ciidamada Xabashida Itoobiya ku wehliyay duullaankii ay kusoo qaadeen Bariga gobolka.

Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf oo ku magac dheer Cabdullaahi Jareer islamarkaana ah taliyaha maleeshiyaadka dowladda ee degmada Ceelbuur ayaa isku dhiibay maamul islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab.



Sarkaalkan ayaa  markii uu is dhiibayay kasoo tagay degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan waxaana la socday ehelkiisa sida xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Cabdullaahi Maxamuud Cali oo warbaahinata kula hadlay gudaha maxkamadda wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa sheegay in uu ka Towbad keenay la shaqeynta cadowga islamarkaana uu ka qoomameynayo dhibaatadii uu ugeystay shacabka Soomaaliyeed.

 Dahabo Xirsi Maxamuud oo ah Xaaska Laba Xidigle Cabdullaahi ayaa iyana sheegtay in ay Alle u Towbadkeentay iyadoona Xarakada Al Shabaab uga mahad celisay sida loosoo dhoweeyay.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa isaga baxay degmada Ceelbuur 4,April,2017 kadib go'doomin 3 sana jirsatay oo magaaladaas ay saareen ciidamada Xarakada SHM.

Waa Mas'uulkii ugu sarreeyay ee isagasoo safka safka Xabashida Itoobiya balse sanaddii lasoo dhaafay ayay boqolaal maleeshiyaad ah oo Itoobiyaanka la shaqeyn jiray waxaa lagusoo bandhigay degmooyinka Masagawaa iyo Galcad oo dhammaantood katirsan gobolka Galguduud.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items