Siyaasi Ay isku Dhowyihiin Farmaajo Oo Madaxweyne Ka Noqday Maamulka HirShabelle.

Saturday September 16, 2017 - 18:54:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ay isku Dhowyihiin Farmaajo Oo Madaxweyne Ka Noqday Maamulka HirShabelle.

    Xildhibaano katirsan maamulka isku magacaabay HirShabelle oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa maanta doortay hoggaamiye cusub kadib markii ay xilka madaxtinimo ka xayuubiyeen Cali Cabdullaahi Cosoble 45 maalmood ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano katirsan maamulka isku magacaabay HirShabelle oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa maanta doortay hoggaamiye cusub kadib markii ay xilka madaxtinimo ka xayuubiyeen Cali Cabdullaahi Cosoble 45 maalmood ka hor.

Doorasho ka dhacday hoolka Baarlamaanka magaalada Jowhar waxaa ku tartamay siyaasiyiin ay soo diyaarisay dowladda Federaalka kuwaas oo mid walba uu doonayay in uu noqdo Hoggaamiyaha cusub ee maamulka HirShabelle isku magacaabay.

Madaxweynaha HirShabelle waxaa kusoo baxay Nin lagu magacaabo Max’med Cabdi Waare oo ay isku dhowyihiin Farmaajo hoggaamiyaha dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in WAARE uu ka guuleystay 74 Cod wuxuuna ka adkaaday Daahir Cabdullaahi Cameey oo ay isugusoo baxeen wareegyadii Koowaad iyo Labaad.


Hoggaamiyaha Cusub ayaa durbadiiba la dhaariyay waxaana ammaankiisa lawareegay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Jowhar taas oo ka dhigan in uu durbadiiba aqoonsi ka helay waxa loogu yeero Beesha Caalamka.

Awaare oo Villa Somalia ay wadatay ayaa bilihii lasoo dhaafay loo diyaarinayay in uu bedelo Cosoble oo dhanka siyaasadda ay isku qabteen Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Cusub waxaa sugaya in muhiimad culus oo ah in uu mideeyo maamullada Fadhigoodu yahay magaalooyinka Jowhar iyo Beled Weyne.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items