Sh.Aymen Al Dawaahiri Oo Fariin Cusub Ku Ammaanay Dagaalka Ka Socda Soomaaliya iyo Kenya.

Sunday September 17, 2017 - 12:41:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sh.Aymen Al Dawaahiri Oo Fariin Cusub Ku Ammaanay Dagaalka Ka Socda Soomaaliya iyo Kenya.

    Fariin Maqal Ah oo Ay Faafisay Mu'asasada Al Saxaab Garabka Warbaahinteed ee Al Qaacidda ayaa lagusoo gudbiyay Kalimad Cusub oo Uu jeedinayo Sheekh Aymen Al Dawaahiri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fariin Maqal Ah oo Ay Faafisay Mu'asasada Al Saxaab Garabka Warbaahinteed ee Al Qaacidda ayaa lagusoo gudbiyay Kalimad Cusub oo Uu jeedinayo Sheekh Aymen Al Dawaahiri.


Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida ayaa jeediyey Kalimad uu ku bogaadinayo halganka Jihaadiga ah ee faracyada Ururkaasi ka wadaan caalamka kadib muddo 16 sanadood ah oo hadda laga joogo markii uu soo bilowday halganka u dhexeeya muslimiinta iyo Mareykanka.

Kalimaddan oo ah mid kooban lana dhageysan karo muddo 6 daqiiqo ah ayuu Sheykh Dr. Ayman Ad-Dawaahiri, Amiirka Al-Qaacida ku bogaadinayaa halganka iyo jihaadka adag ee ay ku jiraan geesiyada Islaamka ee ka dagaalamaya Maghribul Islaam, Bariga Africa, Jaziirada Carabta iyo dhulka Qaarad u ekaha Hindiya.


Sheykh Dr. Ayman Ad-Dawaahiri wuxuu soo hadal qaaday dhufeyska bariga Africa halkaas oo uu sheegay in geesiyada Islaamka ee ka dagaalamaya ay u bacbac dhigeen xamlada saliibiyada ah ee lagu soo qaaday Muslimiinta caalamka.

Markii uu soo hadal qaaday dagaallada ka socda geeska Afrika sida Soomaaliya iyo Kenya ayuu boggaadin iyo ammaan ujeediyay Xarakada Al Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamo ka socda Lix dowladood Afrikaan ah oo dhanka dhaqaalaha iyo melleteriga ay ka taageerayaan Mareykanka iyo midowga Afrika.

"Bariga Afrikana, waxay wiilasha Islaamka ee geesiyaasha ah u babac dhigayaan Xamalada Saliibiyadda ee lagu soo qaaday Muslimiinta ku dhaqan Kenya, Tanzaniya, Soomaaliya, Itoobiya, Yugaandha iyo hareeraheeda, Saliibiyiinta oo ay hoggaanka u heyso Maraykanka ayaa u midoobay, balse fadliga Allaah way adkeysanayaan, waxaana ay Umadda ku isugu keenayaan Jihaadka, iyagoo faafinaya dacwada iyo cilmiga sharciga. waxay u halgamayaan sidii ay dhibaatada uga kor qaadi lahaayeen mustadcafiinta iyo kuwa baahan, waxayna Qabaa’ilka ku mideeyeen raayad Jihaadka iyo Towxiidka" ayuu yiri Al Dawaahiri.

Xarakada Al Shabaab ayuu ku aammaanay in ay mideeyeen qabaa'illada Soomaalida islamarkaana ay gacal iyo xigto ka dhigteen dhammaan muslimiinta caalamka wuxuuna yiri. "Waxay si cad u iclaaminayaan in walahoodu siiyeen dhamaan Mujaahidiinta ka dagaalamaya wadamada Islaamka".

Xarakada Al Shabaab ayaa ku biirtay Ururka Al Qaacidda horraantii sanaddii 2012 waxayna xarakadu dagaal dhan walba ah kala kulmeysaa dowladda Mareykanka iyo xulufadiisa mandiqadda.

Halkan ka degso Kalimadda Al Dawaahiri MP3

Related Items