Warbixin: Maxay Ka Dhigantahay Kala Diridda Maamulkii Xamaas Ee Magaalada Ghazza?.

Monday September 18, 2017 - 14:18:35 in Wararka by
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Maxay Ka Dhigantahay Kala Diridda Maamulkii Xamaas Ee Magaalada Ghazza?.

    Dhaq dhaqaaqa Xammaas ee ka jira dhulalka Filasdiin ayaa ku dhawaaqay in isbedel dhanka maamulka iyo siyaasadda ah uu ka dhaqan gelin doono marinka ghazza kadib 10 sanadood oo maamul xamaas taabacsan uu kajira ghazza iyo hareeraheeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isma'il Haniya Waa Hoggaamiya Ugu Sarreeya Xamaas
Dhaq dhaqaaqa Xammaas ee ka jira dhulalka Filasdiin ayaa ku dhawaaqay in isbedel dhanka maamulka iyo siyaasadda ah uu ka dhaqan gelin doono marinka ghazza kadib 10 sanadood oo maamul xamaas taabacsan uu kajira ghazza iyo hareeraheeda.



Bayaan kasoo baxay Xarakada Xamaas ee ka talisa jiidda Ghazza ayay ku shaacisay in ay kala dirtay maamulka iyada hoostaga ee ka arriminayay magaaladaasi.

Xamaas ayaa sheegtay in iyadoo ajiibeysa baaqa kasoo baxay dowladda Masar ee ahaa in wadahadal Xamaas ay la gasho Xarakada Fatax ay qaadatay tallaabada ah in lakala diro maamulkii Ghazza.

Xukuumadda uu Madaxda ka yahay Raami Xamdallah ee ayaa loogu baaqay in ay kasoo guurto magaalada Ramallah oo ay degto Marinka Ghazza si halkaasi ay uga shaqa bilaawdo.



Dhanka Ururka Fatax war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ay si diirran usoo dhoweynayaan, Maxamuud Cabbaas Abuu Mazin ayaa isagoo ku sugan xarunta Q.Midoobe wuxuu yiri "waa tallaab aad loogu farxo mideynta siyaasadda iyo qadiyadda Filasdiin, dhowaan waxaan bilaabi doonaa in aan si midnimo leh umadda ugu shaqeyno”.

Ururka Xamaas ayaa bishii June,2017 soo saaray wathiiqo ama Dukuminti cusub oo uu uga tanaasulayo mabaadii’dii islaamiga isagoona wathiiqadaas ku sheegay in uu ogolyahay dowlad kababar dhalata Yahuudda taas oo aas-aaskeeda ama saldhiggeedu yahay dib usoo celinta dhulkii Yahuuddu ku qabsatay dagaalkii dhacay sanaddii 1967-dii.

Sidoo kale kooxda ayaa hoos udhigtay diidmadeedii Yahuudda waxayna ogoshahay in dowlad ay leeyihiin dadka Yahuudda ka taagnaato magaalooyin ka baxsan Qudus iyo alkhaliil.

Tallaabadan ayaa loo arkaa isbedel dhan walba ah oo ay ku dhaqaaqday Xamaas oo sanadadii lasoo dhaafay dagaal kula jirtay ciidamada Yahuudda sahyuuniyadda, waa markii ugu horraysay oo maamulka Maxamuud Cabaas abuu Maazin uu awoodiisa ku fidinayo magaalada ghazza tan iyo sanaddii 2007 xilligaas oo dagaallo culus ay magaalada ku dhaxmareen tageerayaasha fatax iyo xammaas.

Jamaacaadka islaamiga ayaa kooxdan ku eedeeyay in ay ka tagtay jihaadkii iyo isku xukunka shareecada islaamka taas bedelkeedna ay usii dhawaanayso calmaaniyadda kadib markii jamaacaad jihaadi ah ka eriday magaalada ghazza islamarkaana ay irdaha isugu dhufatay masaajid iyo maraakiz islaami ah.


W/Q Hilaal Colaad

Related Items