Boqolaal Ku Dhimatay Dhul Gariir Ka Dhacay Wadanka Mexico.

Wednesday September 20, 2017 - 12:29:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Ku Dhimatay Dhul Gariir Ka Dhacay Wadanka Mexico.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dhul gariir xooggan oo ka dhacay wadanka Mexico ee dhaca waqooyiga qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dhul gariir xooggan oo ka dhacay wadanka Mexico ee dhaca waqooyiga qaaradda America.


Maamulayaasha wadanka Mexico ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ugu yaraan 200 qof ay ku dhinteen dhul gariirka oo ku dhuftay magaalada Mexico City ee caasimadda ah.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in dhul gariirka oo cabirkiisu yahay 7 uu burburiyay in kabadan 44 guri sidoo kale waxaa dilaacay dhuumo shidaalka qaada taasi oo sababtay in dab uu ka kaco dhismayaal ganacsi oo kuyaal duleedka magaalada Mexico City.

Telefeshinka afka xukuumadda ku hadla ayaa sheegay in kumanaan katirsan ciidanka Melleteriga ay bilaabeen in ay badbaadiyaan dadka ku hoos xaniban burburka guryaha hoostiisa.


Goob joogayaal ayaa sheegay in saaka aroortii ay kusoo tooseen dhulka oo gilgilanaya waxaana go’ay dhammaan xargihii taleefanada iyo korontada, Mexico wuxuu kamid yahay wadamada ugu badan ee dhul gariiradu ka dhacaan sanad walba.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items