Dhageyso: Al Shabaab Oo Ku Baaqday in Ladilo Nin Af-lagaadeeyay Nabiga SCW Ee Ku Nool Magaalada Gaalkacyo.

Wednesday September 20, 2017 - 20:51:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Al Shabaab Oo Ku Baaqday in Ladilo Nin Af-lagaadeeyay Nabiga SCW Ee Ku Nool Magaalada Gaalkacyo.

    Xarakada Al Shabaab ayaa War rasmi ah kasoo saartay Nin dhowaan caayay Nabi Muxamed SCW kaasi oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al Shabaab ayaa War rasmi ah kasoo saartay Nin dhowaan caayay Nabi Muxamed SCW kaasi oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Bartamaha dalka Soomaaliya.



Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo ah waaliga Mudug ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus wuxuu uga hadlay xukunka Ninka caayay Nabiga iyo waxa kala gudboon muslimiinta iyo Mujaahidiinta.

Abuu Cadnaan ayaa sheegay in waxa kaliya ee Ninkaasi mudanyahay ay tahay dil iyo in nafta laga gooyo "adeer Xukunka Ninkaas wuxuu Kitaabka alle ku xukumay dil,insha'allaah Ninkaas iyo madaxiisa iskuma oollayaan, Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ninkaas waxaa uga yaal in ay madaxiisa kala gooyaan" ayuu yiri Abuu Cadnaan.



Waaliga Mudug ayaa ugu baaqay shacabka Muslimka Soomaaliyeed in Ay Alle ugu dhawaadaan dilka Ninka aflagaadeeyay Nabi Muxamed ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug "Dadka muslimiinta ah waa in aysan kaleexan haddii ay fursad ku helaan Ninkaas oo ay dilaan" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waaliga Mudug.

Sheekh Abuu Cadnaan ayaa sheegay in falkani yahay markii ugu horraysay oo uu Soomaaliya ka dhaco "arrintan waa xaajo ku ugub ah Soomaaliya, waa wax ku cusub wadanka Soomaaliya" Abuu Cadnaan.

Wuxuu sheegay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay tallaab ka qaadi doonto Ninkan gaaloobay ee Aflagaadeeyay Nabiga Maqaamka sare leh ee Muxamed SCW "Tan Muslimiintu Jawab adag ayay ka bixi doonaan gaar ahaan Mujaahidiinta" ayuu yiri waaliga Mudug.

Abuu Cadnaan ayaa qof walba oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ugu baaqay in meesha uu arko ku dilo Ninka Nabiga Caayay "dadka muslimiinta ah ee idhageysanaya ee iclaamka la socda waxaan u gu baaqayaa laba arrimood reer Gaalkacyo waxaan leeyahay ninkaas waad ku kadsoonteen oo wuu idin khiyaameeyay oo wuu idin shirqoolay, dadka intii aan aqoonta u laheyn ee caamada shacabka aheyd waxaan leeyahay ilaahey uga towbadkeena oo arrinkaas ka carara oo ka fogaada oo ka dheeraada oo allaah SCW usoo laabta, Ninkaasi gaalnimo ayuu ku dhacay muddo dheerna wuu waday" Abuu Cadnaan.

Xarakada Al Shabaab ayaa kula dardaarantay muslimiinta in ay Nolosha dhaafiyaan Ninka Nabiga caayay si ay u helaan Jannada meesha ugu sarraysa "waxaan kaloo ugu baaqayaa umadda muslimiinta nin allaale ninkii arka Ninkaas waxaa waajib ku ah in meesha uu ku arko uu kudilo" ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Abuu Cadnaan.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Sh.C/qaadir Abuu Cadnaan MP3

 

Related Items