Gaari Gaashaaman Oo Ciidamada AMISOM Looga Gubay Duleedka Degmada Mahadaay Sh/dhexe.

Thursday September 21, 2017 - 11:49:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gaari Gaashaaman Oo Ciidamada AMISOM Looga Gubay Duleedka Degmada Mahadaay Sh/dhexe.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali Fooldheere ayaa sheegaya in qarax xooggan uu haleelay kolonyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Taaw waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan askartii la socday, goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga Taawga ah ee qaraxu qabsaday gabi ahaantiis uu gubtay.

Gaariga Taawga ah oo gubanaya ayay ciidamada AMISOM uga tageen wadada hareeraheeda, rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada la weeraray ayaa laga maqlay dhulka howdka ah eek ala qeybiya Mahadaay iyo Shabeelaha dhexe.


Ciidamada qaraxu qabsaday ayaa ka yimid deegaanka Cali Fooldheere oo shalay ay saad ugelbiyeen waxayna kusii jeedeen degmada Mahadaay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay arkeen qiic iyo Uura Madoow oo cirka isku shareertay, ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ayaa gaaray goobta uu ku gubanayo gaari Gaashaaman ee ay carareen ciidamada AMISOM.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada AMISOM gaadiid looga gubo deegaanno dhanka Waqooyi Uga beegsan degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items