Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Hoos Yimaad Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Sunday September 24, 2017 - 08:20:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Hoos Yimaad Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

    Boqolaal qoys ayaa isaga barakacay guryahooda kadib markii uu Fatahaad aan horay loo arag sameeyey wabiga Shabelle deegaanno katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qoys ayaa isaga barakacay guryahooda kadib markii uu Fatahaad aan horay loo arag sameeyey wabiga Shabelle deegaanno katirsan gobolka Sh/dhexe.



Xilli Roobabka dayrta ay ka curteen gobollada Dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayuu wabiga shabelle fatahaad sameeyey, khasaara dhanka dhaqaalaha ah ayaa ka dhashay fatahaaddan kadib markii biyaha wabiga ay gooyeen boqolaal beero ah oo dalagyo kala duwan ku tacbanaayeen.

Deegaanada uu wabiga Wabiga Shabelle ku fatahay ayaa hoos yimaad  degmooyinka Jowhar iyo Mahaday, dadka deegaanka waxay sheegeen in fatahaadda ay cagta marisay beero aad ufarabadan waxaana khasaaraha ka dhashay fatahaaddan lagu qiyaasayaa malaayiin dollar.



Ugu yaraan Saddex Buq ayuu marwalba ka fatahaa wabiga shabelle balse sanadkan waxaa muuqata in fatahaaddu waqtigeedi kasoo hormartay dhibaatada ugu daran waxay ka jirtaa deegaanada hoos yimaad magaalada Mahadaay oo biyuhu maasheeyeen boqolaal Hiktar oo dhul beereed ah, dhanka Buqda Maandheere ee duleedka Jowhar sanadkan dib udhac ayaa ku yimid taas oo beeralayda fursad usiisay in ay ugurtaan dalagyadii ay tacbadeen.

Degmada Mahaday ayaa ah halka ugu badan ee uu wabiga Shabelle ka fatahayo. Buqda Huriwaa oo ka fatahaysa dhinaca Bari ee wabiga Shabeelle ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay gaartay dhul ballaaran iyadoo ku qasabtay boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah inay ka barakacaan deegaanadooda.

Biyaha ka baxay buqda Huriwaa ayaa waxay  ka gudbeen tuulada Cali Fooldheere waxayna kala jarto wadada isku xirta degmada Mahaday iyo deegaanka Cali Fooldheere illaa iyo deegaanka Ceelbaraf.

Sidoo kale meel aan ka fogeyn degmada Mahaday ayaa dhinaca Galbeed ee wabiga Shabelle waxaa ka fatahaya biyo kuwaasoo sababay inay kala go’aan isu socodka dadka iyo gaadiidka degmada Mahaday iyo deegaanka Fiidow iyadoo wadada laamiga ah ay biyuhu dul marayaan.


Mid kamida Beeraladeyda gobolka Sh/dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in sanadkan ay filayaan fatahaad ka xoog badan kuwii hore sababa la xiriira biyaha wabiga oo saa'id ah iyo roobab Mahiigaan ah oo lafilayo "Sanadkan waxaan rajeynaynaa Fatahaad saa'id ah sababtoo ah Wabiga wuxuu karkaarka jabsaday xilli Jiilaal ah oo aan Roobkii dayrta lagaarin, hadda oo Roobabka dayrta bilaawdeena waa kasii dari doonaa" ayuu yiri Xasan oo katirsan beeraleyda Sh/dhexe.

Fatahaadda wabiga shebelle uu sanadkiiba laba jeer sameeyo ayaa faa'iido iyo khasaara uleh beeralayda iyo xoola dhaqatada, marka koowaad fatahaadda degdegga ah waxay sababtaa khasaara soo gaara beeralayda balse marka si kale loo eego fatahaadda waxaa ka faa'iideysta beeralayda qaar oo beerahoodu ka fogyihiin biyaha waraabka kuwaas oo fursad uhelaya iyo biyaha xaafka loo yaqaan ay dalagyo ku tacbadaan.

Sidoo kale xoola dhaqatada ayaa faa'iida ku qaba biyaha fatahaadda oo doogga iyo cowska ku baxa biyaha wabiga ayay xoolahooda daaqsadaan, si walba oo ay ahaato sanadkan ayaa lafilayaa in soomaalida uu unoqdo xilli barwaaqo kadib abaaro raagay oo waddanka soo maray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items