Xasan Cali Kheyre "Soomaaliya Waxay Markale Xaqiijinaysaa in Aysan qofna u ogolaan doonin in uu qalqal geliyo Amniga Itoobiya"

Saturday September 23, 2017 - 09:55:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre "Soomaaliya Waxay Markale Xaqiijinaysaa in Aysan qofna u ogolaan doonin in uu qalqal geliyo Amniga Itoobiya"

    Magaalada New York ee xarunta u ah waxa loogu yeero Q.Midoobe waxaa ka socda kulanka ay leeyihiin hoggaamiyaasha xubnaha ka ah golaha ammaanka halkaas oo ay khudbado ka jeediyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada New York ee xarunta u ah waxa loogu yeero Q.Midoobe waxaa ka socda kulanka ay leeyihiin hoggaamiyaasha xubnaha ka ah golaha ammaanka halkaas oo ay khudbado ka jeediyeen.

Xasan Cali Kheyre iyo R/wasaaraha itoobiya ayaa kulan qarsoodi ahaa ku yeeshay New York waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen wadashaqeynta ka dhaxaysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ku salysan in Itoobiya loo gacan geliyo muwaadiniinta soomaalida.

Kulanka oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa la sheegay in Haillemarim iyo Kheyre ay islasoo qaadeen tallaabadii ugu horraysay ee dowlad soomaaliya ka jirta ay Itoobiya ugu gacan geliso sarkaal katirsan Jabhadda ONLF.


ilo Wareedyo ayaa sheegaya in kulanka oo qarsoodi ahaa uu Kheyre doonayay in aan warbaahinta lagu faafin balse dowladda Itoobiya ayaa si lama filaan ah usoo saartay warsaxaafadeed ay uga hadlayso kulanka dhaxmaray Kheyre iyo Haillamarim.

Itoobiya waxay sheegtay in labada R/wasaare ka wadahadleen arrimaha labada dal iyo deganaashiyaha geeska Afrika balse ma sheegin xaqiiqda waxa kulanka layskulasoo qaaday, Xukuumadda Kheyre ayaa dowladda Itoobiya Ugacan gelisay C/Kariim Qalbi dhagax tallaabadaas oo ka caraysiisay malaayiin qof soomaali ah.

Image may contain: 2 people, people standing and suit

"soomaaliya waxay markale dib u xaqiijisay in aysan qofna u ogolaan doonin in uu qalqal geliyo Amniga qaranka Itoobiya" sidaas waxaa yiri R/wasaaraha itoobiya sida ku qoran bayaanka kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha.

Warkan ayaa banaanka soo dhigaya heerka ay gaarsiisantahay dabadhilifnimada madaxda dowladda Federaalka oo aaminsan in amniga itoobiya laga hor mariyo amniga Soomaaliya waxaana arrinkaas Tusaale u ah gacan gelintii Halgamaa Qalbi dhagax oo xukuumadda Kheyre sheegtay in uu halis ku ahaa amniga Itoobiya.

Dhinaca Xasan Cali Kheyre ayaa ku faanay in dowladdiisa ay si aan horay loo arag u shaqaalaysiisay dumar kuwaas oo wasiirro ka ah xukuumadda kajirta Villa Somalia.

Wuxuu sheegay in illaa 6 wasiir oo dumar ah ay kamid yihiin xukuumaddiisa isagoo hadlayay ayuu yiri "xukuumadda Somalia waxaa kamid ah lix haween ah inkastoo aanan gaarin  hiigsigii ahaa in dumarku 30% awood maamul yeesheen hadane 16% ayaan ka keenay oo hadda 24% ayay ka yihiin talada wadanka".

Dowlada Itoobiya oo kumanaan katirsan ciidamadeed ay gumeysi ku joogaan dalka Soomaaliya ayaa si toos ah amar usiisa madaxda dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dalka kajira oo dhismahooda ay bud dhigeen u aheyd.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items