Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Kenya Oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Faxfaxdhuun Ee Gobolka Gedo.

Saturday September 23, 2017 - 19:07:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada Kenya Oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Faxfaxdhuun Ee Gobolka Gedo.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay qarax ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in maanta duhurkii qarax xooggan uu qabsaday kolonyo katirsan ciidamada Melleteriga Kenya xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa deegaanada Faxfaxdhuun iyo Tarako.

Qaraxa ayaa haleelay gaari gaashaaman oo ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah oo Khamiistii lasoo dhaafay isaga baxay degmada Baardheere kunasii jeeday dhanka degmada Ceelwaaq ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.


Goob Joogayaal ayaa sheegay in qaraxu qabsaday gaari nuuca Taawga loo yaqaan waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii gaariga la socday, wararka ayaa intaas ku daraya in habqanka ciidamadii ka baxay magaalada Baraawe aysan wali gaarin Ceel Waaq oo ah halka ay u socdaan.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ku weerara ciidamada gumeysiga Kenya tan iyo markii ay isagasoo baxeen degmada Baardheere.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items