Ciidamo Mareykan Ah Oo Gaari looga Gubay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Sunday September 24, 2017 - 13:33:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan Ah Oo Gaari looga Gubay Duleedka Magaalada Kismaayo.

    Jugta qaraxyo xooggan iyo rasaas lays dhaafsanayay ayaa laga maqlay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax Ka Dhacay duleedka Kismaayo
Jugta qaraxyo xooggan iyo rasaas lays dhaafsanayay ayaa laga maqlay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Guduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ku dhaxmaray ciidamo isugu Jira Mareykan iyo Kenyaan oo isku dhinac ah iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in gaari Taaw ah oo ay wateen ciidamada huwanta ah lagu gubay dagaalka kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab ay gaariga la heleen mid kamida gantaallada garbaha laga gemo sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada huwanta ah ee weerarku qabsaday Buula Guduud ayaa saaka kasoo amba baxay jaamacadda magaalada Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin balse weerar jidgal ah ayay kala kulmeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.


Lasoco wixii soo kordha

Related Items