Taliban Oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ka Fulisay Magaalada Kaabul.

Sunday September 24, 2017 - 17:54:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban Oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ka Fulisay Magaalada Kaabul.

    Ciidamo katirsan isbahaysiga NATO ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar naf-hurnimo oo ka dhacay magaalada Kabu ee caasimadda wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan isbahaysiga NATO ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar naf-hurnimo oo ka dhacay magaalada Kabu ee caasimadda wadanka Afghanistan.



Weerarka oo uu fuliyay dagaalyahan kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa beegsaday kolonyo gaadiid gaashaaman ah oo ay la socdeen ciidamada jinsiyadaha kala duwan leh ee duullaanka ku jooga wadanka Afghanistan.

Saraakiil katirsan xukuumadda Dabadhilifka Afghanistan ayaa warbaahinta u sheegay in weerarku uu qabsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda Denmark oo qeyb ka ah isbahaysiga NATO.

Dhinaca kale war kasoo baxay xarakada Islaamiga Taliban ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida lagu faafiyay website-ka imaaraada qaraxa ayaa lala beegsaday ciidamo Mareykan ah waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 16 Askari Mareykan ah.



ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin isbahaysiga NATO iyo Taliska ciidanka Mareykanka Ee Afghanistan oo ku aaddan weerarkii maanta ka dhacay galbeedka magaalada Kabul.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items