Al Shabaab Oo Jeneraal Quruurux Ku Dishay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho.

Monday September 25, 2017 - 07:54:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Jeneraal Quruurux Ku Dishay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay Jenaraal sare oo katirsanaa ciidamada malleteriga dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dilay Jenaraal sare oo katirsanaa ciidamada malleteriga dowladda Federaalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uulka weerarka lagu dilay Jeneraal Cabdulle Quruurux oo ahaa taliye ku xigeenkii saadka ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidadoodu ay Jeneraalka ka qaateen Bastoolad uu watay islamarkaana weerarka lagu dilay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa "Mujaahidiinta ayaa Howlgal gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ku dilay Taliye ku xigeenkii ciidanka Melleteriga Kooxda Ridada iyo mid kamida ilaaladiisa, alle mahaddii mujaahidiintu waxay ghaniimeysteen bastooladii uu watay sarkaalka murtadka ah ciidamadii weerarka fuliyayna si nabad gelya ah ayay goobta uga dhaqaaqeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Jeneraal Quruurux ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidanka melleteriga isagoo galaan gal kulahaa taliska ciidanka DF-ka wuxuuna wada shaqeyn dhow lalahaa Max’med Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka.

Dilalka iyo qaraxyada lagu beegsado askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana fashilmay ballanqaadkii Farmaajo iyo Kheyre ee ahaa in ay caasimadda ka dhigi doonaan meel ka nabdoon howlgallada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items