Ciidamada Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Odayaal Dhaqameedyo Ku Dilay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Monday September 25, 2017 - 11:12:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamulka 'Koonfur Galbeed' Oo Odayaal Dhaqameedyo Ku Dilay Duleedka Magaalada Baydhabo.

    Sida ay sheegeen dadka deegaanka maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa dad shacab ah ku dilay duleedka magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka KG ayaa caan ku ah xasuuqa shacabka
Sida ay sheegeen dadka deegaanka maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa dad shacab ah ku dilay duleedka magaalada Baydhabo.



Wararka ka imaanaya deegaanka Daynuunaay ayaa sheegaya in maleeshiyad hubeysan oo ka amar qaata maamulka Shariif Sakiin ay shalay gelinkii dambe dileen odayaal dhaqameeyo rayid ah oo kasoo jeeda beesha Geeladle.

Dilkan naxdinta waxay maleeshiyaatka kabo qaadka u ah Amxaarada kula dhaqaaqeen Labo odayaal dhaqameedyo lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Cali Tufeey iyo Nabadoon Sheekh Xasan Tiifow sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goob joog u ahaa falkan wuxuushnimada leh.



Labadan Nabadoon ayaa xilligii ay dileen maleeshiyaatka Maamulka 'Koonfur Galbeed' waxay ku sugnaayeen Tuulada Looya Gaduud oo ku dhaw magaalada Baydhabo waxayna xilligaasi odayaasha ku mashquul sanaayeen xallinta Murun ka dhax taagnaa dad walaala ah oo wada dega deegaannada hoos yimaad magaalada Baydhabo.

Ciidamadii dilka geystay ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo, dadka deegaanka ayaa meydadka odayaasha ladilay kasoo qaaday goobtii lagu dilay iyadoona aas loogu sameeyay deegaano katirsan gobolka Bay.

Fal dambiyeedkan ay geysteen maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ah dhibaatada ay ku hayaan shacabka rayidka ah ee ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool, maleeshiyaadka ayaa horay sidaan oo kale odayaal dhaqameedyo iyo dad Marras ah ugu dilay deegaano hoos yimaad Baydhabo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items