Ciidamada Kenya Oo isaga Baxay Deegaanka Tarako iyo Al Shabaab Oo la Wareegay.

Monday September 25, 2017 - 20:09:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya Oo isaga Baxay Deegaanka Tarako iyo Al Shabaab Oo la Wareegay.

    War hadda nagasoo gaaray gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay si Buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War hadda nagasoo gaaray gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay si Buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah.

Wariye Cabdi Wahaab Bukhaari oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa SomaliMeMo Khadka Taleefanka ugu sheegay in ciidamada Kenya ay maanta gelinkii dambe isaga firxadeen deegaanka Tarako kadibna xoogaga Al Shabaab ayaa si nabad gelya ah kula wareegay.

Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka ayaa gabaldhicii maanta u dhaqaaqay dhanka degmada Ceel-waaq halkaasi oo ay uga horreeyeen kumanaan Askari oo arbacadii lasoo dhaafay isaga baxay degmada Baardheere ee isla gobolka Gedo.


Goob joogayaal ku sugan deegaanka Tarako ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay gudaha usoo galeen deegaanka waxayna baaritaano ka sameeyeen saldhigyadii ay isaga guureen ciidamada gumeysiga Kenya, deegaanka Tarko ayaa gacanta cadowga galay bartamihii sanaddii 2015 xilligaas oo melleteriga Kenya ay duullaan ku ahaayeen degmada Baardheere.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items