Al Shabaab Oo Gobolka Gedo Ku Dishay Xasan Dhafoor Gaarigii uu Watayna ka Qaadatay.

Tuesday September 26, 2017 - 19:16:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Gobolka Gedo Ku Dishay Xasan Dhafoor Gaarigii uu Watayna ka Qaadatay.

    Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah weerar qorshaysan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ayaa lagu dilay mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa beegsata xildhibaanada iyo odayaashii soo xulay
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah weerar qorshaysan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ayaa lagu dilay mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaliya.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Maanta barqadii weerar ku qaaday deegaanka Quraan Googoo oo u dhaxeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq oo kawada tirsan gobolka waxayna halkaas ku dileen Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Xuseen Dhafoor oo kamid ahaa odayaashii maamulka Jubbaland usoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada SHM ayaa lagu sheegay in ciidamo gaar ah ay dileen Oday dhaqameedka islamarkaana ay ka qaateen gaari nuuciisu yahay Kaarib oo uu watay sida ay baahisay idaacadda Andalus.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xuseen Dhafoor uu wada shaqeyn wanaagsan lalahaa maamulka Axmed Madoobe ugu magacaaban gobolka Gedo balse ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ee ku sugan Garbahaarey iyo Luuq ayaa dayacay kadib markii ay ku shaqeysteen, Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa bilo ka hor odayaasha dhaqanka uga digay in ay ajiibaan baaqyada uga imaanaya maamul goboleedyada iyo DF-ka ee ahaa in ay ka qeyb qaataan soo xulista Baarlamaanka DF-ka oo xarakadu ku tilmaamtay ‘Murtadiin’ gaalbooay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Oday dhaqameedka maanta ladilay uu isbuucii lasoo dhaafay kasoo laabtay degmada Dooloow halkaas oo uu kulasoo kulmay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay.

Beegsiga odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF-ka ee lagasoo doortay maamul goboleedyada ayaa bilihii lasoo dhaafay si xowlli ah uga socday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaanada ku dhow.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items