Degmada Tiyeegloow Oo 5 Sano Kadib isbitaal laga Hirgeliyay [Dhageyso].

Tuesday September 26, 2017 - 12:39:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Tiyeegloow Oo 5 Sano Kadib isbitaal laga Hirgeliyay [Dhageyso].

    Bulshada ku dhaqan magaalada Tiyeegloow ayaa helay xarun caafimaad oo hadda kadib dabooli doonto baahidooda caafimaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada ku dhaqan magaalada Tiyeegloow ayaa helay xarun caafimaad oo hadda kadib dabooli doonto baahidooda caafimaad.



Munaasabada ballaaran oo ka dhacay gudaha magaalada Tiyeeglow ee gobalka Bakool waxaa xariga looga jaray Isbitaal cusub oo ay yeelaneyso degmadaasi.

Goobta Munaasabada waaxaa ku sugnaay mas'uuliyiin ka tirsan Wilaayada Islaamiga ah ee Baay iyo Bakool iyo marti sharaf kale oo isugu jira dhaqaatiirta isbitaalka cusub iyo odayaasha dhaqanka degmadaasi.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalkan cusub oo goobta munaasabada ka hadlay ayaa si faahfaahsan kaga hadlay isbitaalka iyo waxa uu qabandoono sidoo kale waxaa goobta ka hadlay waxgaradka bulshada degmada Tiyeeglow kuwaasi oo si weyn usoo dhaweeyay furitaanka isbitaalka.



Degmada Tayeegloow ayaa ka xuroowday ciidamada Xabashida Itoobiya sanaddii lasoo dhaafay ee 2016 waxaana magaalada Hadda Kajira maamul islaami ah oo dib usoo celiyay Nabaddii iyo kala dambeyntii.

Halkan ka dhageyso Kalimado laga Jeediyay Munaasabaddii isbitaalka lagu furayay MP3

Related Items